Gudoomiyaha Kulmiye Hadii Siilaanyo, Samaale,Maxamed Biixi iyo Kulmiye Oo Dhami Utanaasulo Muran Kuma jiro In Uu Odhanayo Xisbiyada Mucaaridka Iga Joojiya Yaanay Ila Tartamine. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Gudoomiyaha Kulmiye Hadii Siilaanyo, Samaale,Maxamed Biixi iyo Kulmiye Oo Dhami Utanaasulo Muran Kuma jiro In Uu Odhanayo Xisbiyada Mucaaridka Iga Joojiya Yaanay Ila Tartamine.
November 16, 2014 - Written by Editor:

Ninbaa laga hayay laba walba isa saarayo laba tagoogood waligay isma saarin, kolay eray waliba waxa uu ibo fur u yahay, dhacdooyinka iyo arimaha taagan marka lagu halqabsanayo, waxa ay dad badan oo katirsan Xisbi Xaakimka Kulmiye iyo shacbiga reer Somaliland aad ula yaabaan marka arimaha Siyaasada iyo wacyiga taagan dib loo jaleecayo habdhaqanka Askarinimada ah ee ka baxsan nidaamka dimuqraadiyada iyo siyaasada Shacbiyada ah ka baxsan,ee ku qotonta nidaamkii inqilaabyada milatari ay ku qabsan jireen talooyinka dalka ayaa, waxa ambaqaadkeeda lagu yaqaanay in koox milatari ah oo saaxiibo ahi ay ku heshiiyaan had iyo jeer in ay talada maroorsadaan kuwaas, oo isku codeeya islamarkaana, labada kursiga damca uu midi kuwa kale ka codsado in ay ka qaleysiiyaan ninkaasi si uu Kursiga hadal la,aan ugu boodo waxa Siyaasada Xisbiga Kulmiye mudooyinkii u dambeeyay siweyn looga dhadhansanayay,gaar ahaan dhaqdhaqaajintii beesha Sacad Muuse Siyaasiyiintooda Xisbiga Kulmiye dhexdiisa ay ganacsatadu ka bilowdey humaag fool xun oo ku dhisnaa fikirka iyo riyooyinka Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mujaahid Muuse Biixi Cabdi, oo xaqiiqda ka fog marka gees kasta laga eego maxaa yeelay sheekadii maalmihii u dambeeyay Muuse ku odorsay in laga reebo Raga kale ee Siyaasiyiinta ah ee katirsan Xisbiga Kulmiye ee ay isku beesha kasoo jeedaan gaar ahaana Cabdicasiis Maxamed Samaale(Wasiirka Maaliyada), oo uu ka dalbadey in laga reebo oo looga tanaasuliyo arintaas oo qeyb ka ah riyooyinka marka loo nisbeeyo cida uu sifahan u salaansanayo ee caqliyadaha noocan ah la qaadanaya Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi waxa aanay aheyn kuwa ka fiirsaday halka ay taasi mari karto iyo halka kale.

Muuse-Biixi

 

Hadaba Marka xaqiiqda loo dhabo galo Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mujaahid Muuse Biixi Cabdi waxyaabaha maanta hortaagan ee Mushkilada ku ah waxa kamid ah marka hore Mujaahid Muuse waxa uu la colyahay, Saraakiishii Halganka SNM ee saaxiibadiisii Dureed oo dhan ama intooda badan, waxa uu la colyahay, Siyaasiyiinta Sacad Muuse oo dhan Mucaarid iyo Muxaafidba qof kasta oo muuqda oo Mustaqbal leh ama aqoonyahan ha ahaado ama Waxgarad ha ahaado,e waxa uu neceb yahey marka Xusbiyahanada Kulmiye shan meelood loo qeybiyo afar meelood iyo badh, waxa uu la colyahay Siyaasiyiinta Subeer-Awal,waxa uu la colyahay inta ugu badan ee Abokor Isaaq, waxa uu la colyahay Jibriil Abokor, waxa uu la colyahay Xuseen Abokor kalabadhkii ama inta ugu badan, waxa uu la colyahay Beelaha Habar-yoonis, waxa uu la colyahay abtiyaashii, marka si qoto dheer oo dhab ah loo tixraaco inta u fayow iyo inta aanay dabka kala qaadan waxa badan inta aanay dabka kala qaadan, taas oo lafdhabar u ah kalsoonida darada nafsaaniga ah ee ka haysata in uu kalsooni ka qabo taratn uu lagalo raga ay damaca siyaasiga ahi u dhexeeyo, markaa hadiiba ay dhacdo in Kulmiye oo dhami u tanaasulaan, oo Cabdicasiis Samaale oo laf dhuun gashey ku noqdey u tanaasulo,oo Maxamed Biixi Yoonis u tanaasulo oo Madaxweyne Siilaanyo u tanaasulo waxa xaqiiq ah in uu markaa odhanayo waxan doonayaa in la iga reebo Jamaal iyo Ciro, ama yaanay nimankaa Mucaaridka ahi ila tartamin, anigu markaan dhinac walba ka eegay hadal waa gun iyo gowdiiye arimaha uu wakhtigan Muuse Biixi Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye usoo daba fadhiistey,raga Ganacsatada ahi waxay lamid tahey taa aynu korka kusoo sheegnay iyadoo dhinaca kalena, aan anigu ku sifeeyay xaalaadkiisa oo dhan Waraabihii xanuunsaday ee Waraabayashu qaadeen ee ku qeylyay halkaa reerkaa kal sadexaad ayaan adhi ka cunay, oo iima fayooba,e ha igeynina reerkaa kalena kal horaan waxaro ka cunaye ha i geynina,kaa kalena jiilaalkii dhaweyd ayay gacan culusi iga gaadhaye iga leexiya meel alaaliyo meel la dhigo, waxaan odhan lahaa Muusow intii kuugu dambeysay ee taageerada kuu muujisey iyo maalinteed waad ishamba raacisaye, kalsooni ku qab naftaada oo si xalaal ah u tartan maalinba hebel iga reeba meelna ku gaadhsiin mayso waa bil sadex iyo riyooytinkaaga aan xaqiiqda marna u ekayn.

 

 

Faarax Maxamed Nuur

Gabiley Somalliland

farax89@yahoo.com

COMMENTS
LINKS