Guddoomiye cirro oo siilaanyo farta ugu fiiqay faro-gelintii uu inkiray ee wakiilada . | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Guddoomiye cirro oo siilaanyo farta ugu fiiqay faro-gelintii uu inkiray ee wakiilada .
November 17, 2014 - Written by Editor:

“..Waa khalad in Guddoomiyuhu Maalin kasta nagu Eedeeyo in aanu Faragelin ku hayno Golaha, Mana Jirto..”

Hargeysa -(Wajaalenews)- Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro, ayaa jawaab qayaxan ka bixiyay eedeymihii uu Madaxweyne Siilaanyo uga jeediyay xiisadii ka dhalatay Khilaafka Golaha ee Sabtidii dalka oo dhan gil-gishay, taasoo uu masuuliyadeeda Siilaanyo ku leexiyay xildhibaanada iyo Guddoonkooda.

Cabdiraxmaan Cirro oo shalay warbaahinta la hadlay, maalin kaddib markii Siilaanyo dhaleeceynta u jeediyay, ayaa si cad u sawiray asbaabaha keenay in xukuumadda lagu eedeeyo arrimaha golaha, waxaanu u daliilshaday ciidanka la dul-dhigay xarunta Golaha iyo abaabulkii qaska abuuray ee ilaa khamiistii la soo dhaafay Hay’addaha xukuumaddu maleegayeen.

Isu hal-celinta labada hogaamiye ee Hay’addaha dalka ugu sareeya ayaa midba midka kale ku dusha u saaray qalalaasihii hadheeyay xayndaabka golleyaasha, iyadoo uu guddoomiye cirro ku doodday inaan furitaankii Kal-fadhiga Goluhu u baahnayn Ciidan la dul-dhigo.

Cirro ayaa yidhi “..Gollaha waxa u furmi lahaa fadhigiisii caadiga ahaa, umuu baahnayn in Ciidan RRU- ah la dul-dhigo, umuu baahnayn Ciidanka Laascaanood joogay in loo soo qaado, in waddooyinka la xidho goluhu umuu baahnayn, in ciidanka Asluubta la howl-geliyo umuu baahnayn, in xaalad la abuurona goluhu umuu baahnayn, markaa Madaxweyne waxaasoo amar ah yaa bixiyay? In aniga Golaha layga celiyo yaa bixiyay, xoghayihii goluhu wuu xidhanyahaye yaa bixiyay amarka lagu haysto..”.

Cirro ayaa sidoo kale faro-gelinta Madaxweynuhu iska leexiyay ee Golihiisa markhaatiga uga sii dhigtay, qaabka Hay’addaha warbaahinta ee fadhiga ka qayb-gelaya loogu soo koobay kuwa dawladda oo qudha.

Waxaanu yidhi “..Madaxweyanaha annigoo ixtiraam badan u haya waxa tusaale inoogu filan in farogelini jirtay Shalay halkaa (Xarunta Golaha) Ciidan baa joogay Saxaafada waxay ku yidhaahdeen TV hebel iyo TV hebel uun baanu soo daynaynaa, markaa Golaha anaa ka masuul ah Guddoomiyihii Golaha ah, amarkaana annigu maan bixin. Amarkaasi xaguu ka yimi meesha uu ka yimi wey iska cadahay oo Wasiir-ku-xigeenka Warfaafinta, markaa farogelintaa ilaa halkaa gaadhsiisani Madaxweyne yaa bixiyey?.

Hadalkan Guddoomiye Cirro ayaa daba socda fariin uu sabtidii Madaxweyne Siilaanyo ka soo diray Madaxtooyada oo uu si indho-adayg ku jiro ugu duray arimihii dalka ka dhacay Cirro iyo Golihiisa. “Waxaan ka xumahay in ay dhacdo maanta khilaaf iyo shiqaaqo uu abuuray Golaha Baarlamaanka.Waa khalad in Guddoomiyuhu maalin kasta nagu eedeeyo in aanu faragelin ku hayno Golaha, mana jirto. Shaqada Qaranku idinka sugayo ka hawlgala..”. Ayuu sidaasna waxa yidhi Siilaanyo oo Sabtidii hadlay

WAJAALENEWS DESK

 

COMMENTS
LINKS