Difaacayaasha Xuquuqal Aadamaha Somaliland oo Cambaareeyey Xadhigyada Sharci-daradda Ee Xukuumada Siilaanyo kula Kacayso Bulshada Rayidka ah. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Difaacayaasha Xuquuqal Aadamaha Somaliland oo Cambaareeyey Xadhigyada Sharci-daradda Ee Xukuumada Siilaanyo kula Kacayso Bulshada Rayidka ah.
November 21, 2014 - Written by Editor:

Hargeysa (Wajaalenews) ururka xuquuqal insanka Ee Geeska Axmed Yuusuf Xuseen ayaa, Cambaareeyey Xadhiga xukuumadda Siilaanyo kula kacaday

Xoghayehii Golaha wakiilada ,C/risaaq siciid ayaanle ,Sheekh Ismaaciil Maxamed Ciise (Sheekhal baladka ) C/raxmaan Xasan Aaden Gudoomiyaha Ururka Jiidali, Aqooyahan Jaamac jiir ,

Xasan Goodaad xoghayihii Xisbiga Wadani ee Xanaanada xoolaha Cali Maxamed Ibraahin Liqoo

waxuu gudoomiyuhu sidaasi ku sheegay qoraal uu soo gaadhsiiyey saxaafada qayboheeda kale duwan

gudoomiye Axmed waxuu sheegay in xukuumada siilaanyo meel kaga dhacaday xuquuqdii muwaadiniinta reer somlilnd uu siiyey Dastuurka dalku isle markaana ay dadkaasi u xidhan yihiin arimo siyaasadeed

” hadii aanu nahay ururka Xuquuqal Aadamaha ee Geeska waxaanu Cambaaraynaynaa xadhigyada sharci-darada ah Ee Baryahan dambe Xukuumad Siilaanyo kule kacayso muwaadiniinta

waxaa dadkani lagu xidhay arimo siyaasadeed iyadoo lagu eedaynaayo xisbi hebel baad lasocadaa

waxaanu leenahay qofkastaa waxuu xaq uleeyahay fikirkiisa inuu cabiro

xukuumadu waxay meel kaga dhacday dimuqraadiyadii dalka ,xoriyadii Saxaafada ,iyo madax-banaanidii fikirka bulshada

waxaanu xukuumada ugu baaqaynaa inay xoriyadooda u soo celiso dadkaasi ay ku xidhay Arimaha siyaasadeed hadii kale talaabadaasi waxay meelka dhac ku tahay.

 

Wajaalenews desk

hargeisa office

email;wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS