|
|||||
WAJAALE NEWS
Difaacayaasha Xuquuqal Aadamaha Somaliland oo Cambaareeyey Xadhigyada Sharci-daradda Ee Xukuumada Siilaanyo kula Kacayso Bulshada Rayidka ah.
November 21, 2014 - Written by Editor:Hargeysa (Wajaalenews) ururka xuquuqal insanka Ee Geeska Axmed Yuusuf Xuseen ayaa, Cambaareeyey Xadhiga xukuumadda Siilaanyo kula kacaday Xoghayehii Golaha wakiilada ,C/risaaq siciid ayaanle ,Sheekh Ismaaciil Maxamed Ciise (Sheekhal baladka ) C/raxmaan Xasan Aaden Gudoomiyaha Ururka Jiidali, Aqooyahan Jaamac jiir ,Xasan Goodaad xoghayihii Xisbiga Wadani ee Xanaanada xoolaha Cali Maxamed Ibraahin Liqoo waxuu gudoomiyuhu sidaasi ku sheegay qoraal uu soo gaadhsiiyey saxaafada qayboheeda kale duwan gudoomiye Axmed waxuu sheegay in xukuumada siilaanyo meel kaga dhacaday xuquuqdii muwaadiniinta reer somlilnd uu siiyey Dastuurka dalku isle markaana ay dadkaasi u xidhan yihiin arimo siyaasadeed ” hadii aanu nahay ururka Xuquuqal Aadamaha ee Geeska waxaanu Cambaaraynaynaa xadhigyada sharci-darada ah Ee Baryahan dambe Xukuumad Siilaanyo kule kacayso muwaadiniinta waxaa dadkani lagu xidhay arimo siyaasadeed iyadoo lagu eedaynaayo xisbi hebel baad lasocadaa waxaanu leenahay qofkastaa waxuu xaq uleeyahay fikirkiisa inuu cabiro xukuumadu waxay meel kaga dhacday dimuqraadiyadii dalka ,xoriyadii Saxaafada ,iyo madax-banaanidii fikirka bulshada waxaanu xukuumada ugu baaqaynaa inay xoriyadooda u soo celiso dadkaasi ay ku xidhay Arimaha siyaasadeed hadii kale talaabadaasi waxay meelka dhac ku tahay.
Wajaalenews desk hargeisa office email;wajalenews@gmail.com Related posts:Sheekh Cabdi Oomaar (Aw Geesh) Cod Iyo Caalim Ku Ladhnaa Halgankii Hubeysnaa Ee SNM! W/Q; Boobe Yuus... Xisbiga Waddani Oo Markale Si Adag Uga Hadlay Shirkada Maalgashi Ee Xukuumadu Ka Diwaan Gelisay Imaa... Xildhibano Ka Tirsan Golaha Wakiilada oo Siyaabo Kala Duwan Uga Hadlay Madaxweynaha Cusub Ee Maamulk... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|