Dhibaatada Dhaqan Xumo Ee Isa Soo Taraysa Ee Dadka Soo Galaytiga Ahi ku Hayaan Dhulka Iyo Shacbiga, Indho Iska Tirka Dawlada Somaliland | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dhibaatada Dhaqan Xumo Ee Isa Soo Taraysa Ee Dadka Soo Galaytiga Ahi ku Hayaan Dhulka Iyo Shacbiga, Indho Iska Tirka Dawlada Somaliland
November 6, 2014 - Written by Editor:

Waxa sanaddihii u dambeeyay isa soo taraysay maalinba maalinta ka dambaysa, Soo galaytiga ama dadka ajaaniibta ah ee soogalaya dhulka Somaliland, iyagoon Haba yaraatee wax sharci ah sidan, kuna baahay dhamaaan Gobolada Somalind Kagana shaqaysta sharci darro halka qaar ay tuugsadaan shacbiga kala gadisan ee ku dhaqan dhamaan Gobolada, runtiina dhibaato dhaqaaale iyo mid dhaqanba ku haya shacbiga Somaliland .

saw maq

Hadaba dhibka dhaqan dhaqaale ee ay soo galaytigu ku hayaan shacbi waynaha Somaliland waa mid isa soo taraya oo maalinba maalinta ka dambaysa soo kordhaya, runtii marka aad dadka la sheekaysato aad si wayn u damqaynayso halka dadka qaar kuu sheegayaan in niman ajaaniib ah oo indhaha soo xidhay habeenkii inta ay meel madaw soo istaagaan dabadeedna ay dadka baadhaan kana qaataan waxay wakhtigaa sitaan, wax yeelo jidh ahaaneedna gaadhsiiyaan oo naftii qofka muwaadinka ah khatar galiyaan. kasii darane, haddiiba ajaaniibtaa waxyeelada dhib iyo dhaqaaleba gaadhsiiyay muwaadinka la qabto oo lageeyo xarumaha dadka sharciga khilaafa lagu xidho, sharcigaba la horgeeyo waaba haddii cidi iska xilsaarto oo sharci la horgeeyaba, marka la xukumo lana waayo cid dhibkii nin kani gaystay loo raaco, waayo oday iyo meel loo raacaaba ma jirto. Waxa taa kasii darran marka waxoogaa jeelasha lagu hayo la iska siidaayo oo isna dhibkii halkii kasii wado.

Hadaba dadka ajaaniibta ee sida daadka dhulka Somaliland u soo galaya waxa ugu badan uguna dhib badan qoomiyada Oromada kana soo hayaamaya dalka aan dariska nahay ee Ethiopia oo runtii marka aad suuqa marayso aad arkayso iyakoo uwada socda ama uwada fadhiya raxan raxan, yar iyo wayn, dumar iyo caruur oo aad is odhan karto iyagaaba ka badan muwaadiniinta kasiidarane kuwooga shaqaysta waxa ka tiro badan kuwo tuugsada lacag, qaydhiin iyo bisaylba oo habayaraatee wax kharash ah oo kabaxaa aanu jirin lacagtii soo gashayna siday doonto haku soo gashee inta bir u badashaan u xawisha Ethiopia dalkana ka saara lacagtii dad ka dhex wareegaysay, sidoo kalena dhibaato dhaqan xumo ayay dalka iyo dadkaba kusoo kordhiyeen iyakoo wadooyinka iyo guryaha hortooda ka dhistay cariishyo yar-yar, halka cariishka kaliyaba ay kuwada nool yihiin dhawr qoys , sidoo kalena nadaafad darro baahsan ku sameeya inta ay dagn yihiin iyo inta u dhawba.

Waxa kaloo iyana jira ajaaniib kasoo hayaamay wadamada aan wadaagno xuduud dhuleed iyo mid badeedba sida: Ethiopia oo ay ka yimaadaan qoomiyado kala duwan oo kala wada afkaar duwan oo mid kastaaba dhinaciisa uu inoogu yahay masiibo dhaqaale iyo mid dhaqanaba.

Waxa jira wadamo kaloo iyana ay inooga yimaadaan ajaaniib badan oo iyana dhib inagu haya waxa kamida Yaman, runtiina malinba malinta ka dambaysa soo badanaya siina siyaadinaya shaqo la’aantii markii hore ina haysatay kuna cidhiidhiyay shaqadii muwaadiniintii reer Somaliland.

Sidaa si lamida waxa iyana haatan isa soo taraya ajaaniib Hindi ah, iyakuna kor usii qadaya camala’aantii muwaadiniita reer Somaliland, iyana waxa jiraa ajaaniib badan oo aanan haatan cara baabin.

Hadaba waxay iswaydiintu tahay dalkan maaanay cidi ka masuul ahayn? Miyaanu jirin sharci kaantaroolo dadka iskaga soo galaya sharci la’aanta dalka?

Waxaan xasuustaa muddo ka hor in xukuumada talada haysaa ay amar ku bixisay in ajaaniibta aan sharci dalka ku joogini ay baxaan xaqiiqdiina ficilkaasi wax badan buu ka taray soo galaytigii, in kastoo muddo yar ka dib ay soo wada noqdeen intaa kadibna cid talaabo ka qaaday aanay jirin haba yaraatee, xataa hadal qaadna dheh, runtiina waxay kusii siqaysaa in dadka ajaaniibta iyo muwaadiniintu ay kala bataan haddii qorshe cad laga yeelan waaayo.

Waxaan maqaalkayga kusoo gunaanadayaa shacab iyo xukuumadba inta qorshe cad oo xukuuumadu hogaaminayso laga yeesho, waxna laga qabto dhibaatooyinkaa isa soo taraya ee ajaaniibtu ku hayaan dad iyo dalba dhulkoogiina lagu celiyo si sharciga waafaqsan.

 

 

Qalinkii: Ahmedkayse Omar Ibrahim

Email: ahmed_kayse44@hotmail.com

Hargeisa Somaliland

COMMENTS
LINKS