Degdeg : hargeisa CIIDANKA RRU oo weerar Ku qaaday Xaflad ay lahayen ururka JIIDALI iyo afhayeenka iyo laba xubnood oo la xidhay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Degdeg : hargeisa CIIDANKA RRU oo weerar Ku qaaday Xaflad ay lahayen ururka JIIDALI iyo afhayeenka iyo laba xubnood oo la xidhay
November 26, 2014 - Written by Wariye:

Ciidanka RRU-da ayaa Caawa Xidhay af-hayeenkii Ururka Jiidali Faysal Cumar madar iyo Xoghayihii ururkaas Cabdikariin Maxamed Cumar iyo sidoo kale xubin sare oo ka tirsan ururka Jiidali kuwaas oo ku sugnaa Hotel Crown ee Magaalada hargeysa.

Xubnaha sarsare ee ururka Jiidali ayaa waxa laga qabtay iyagoo oo ku sugnaa Xaflad Balaadhan oo ururka Jiidali kaga hadlayeen Xadhiga Gudoomiyahooda oo isna muddo ku xidhnaa Magaalada Hargeysa, Xafladan oo hataan ka socota Hotel Crown ee magaalada hargeysa.

Xafladan ayaa ciidanka Boolisku isku dayeen in ay Joojiyan Balse waxa ka Diiday Dhalinyaradii Ururka Jiidali ee soo Qabanqaabsaday iyaga oo Booliska u sheegay in ay Hor u yihiin in ay Kulmaan iskuna iman karan isla markaan ay kaga arrinsan karan Danahooda Gaarka ah.

HARGEISA/OFFICE
WAJAALENEWS DESK
Yuusuf Jamaac Hersi

COMMENTS
LINKS