Dawlada Britain oo Walaac Ka Muujiyay Khilaafka Madaxda sare ee Somalia uguna baaqday inay xalliyaan, | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dawlada Britain oo Walaac Ka Muujiyay Khilaafka Madaxda sare ee Somalia uguna baaqday inay xalliyaan,
November 12, 2014 - Written by Editor:

BRITAIN(Wajaalenews) — War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska wasaaradda arrimaha dibadda ee Britain iyo barwaaqa sooranka ayaa si cad loogu sheegay in Britain ay aad uga walaacsan tahay xaaladda siyaasadeed ee Somalia ka jirta,wuxuuna ku booriyeey dhinacyada uu u dhexeeyo khilaafka inay xalliyaan khilaafka ku xalliyaan hab siyaasadeed.

soma.britain

Sidoo kale, warkan ayaa lagu sheegay in Britain ay arrimaha siyaasadeed ee ka taagan Soomaaliya uu walaac kasoo wajahay, kaddib markii mooshinka kalsoonida loogala laabanayo ra’iisul wasaaraha la horgeeyay baarlamaanka Soomaaliya.

“Ingiriisku aad buu walaac uga muujinayaa xasillooni-darrada siyaasaeed ee ka taagan Soomaaliya, taasoo khatar ku ah hormarka lagu tallaabsaday iyo u adeegidda shacabka Soomaaliyeed, sida amniga iyo in waddada xaaro doorasho ka dhacda Soomaaliya sannadka 2016-ka,” ayaa lagu yiri warka ay Britain uga hadlaysay khilaafka u dhexeeya madaxda Soomaaliya.

Xukuumadda Britain ayaa ugu dambeyn warkeeda ku sheegtay in Ingiriisku uu garab-taagan yahay hormarka Somalia iyo madax-banaanideeda, ayna ku talinayaan in khilaafka si dhaqso ah lagu xalliyo.

Hadalka kasoo baxay dowladda Britian ayaa kusoo beegmaya iyadoo shalay ay warbixin tan la mid ah soo saartay dowladda Mareykanka, taasoo ay ku sheegtay inay ka walaacsan tahay xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya ka taagan xilligan.

Khilaafka madaxda Soomaalida oo dibadda u soo baxay bishii hore ayaa ku yeeshay saameyn weyn howlaha dowladda iyo taageerada dalalka Somalia caawiya, waxaana Britain ay kusoo biiraysaa dowladaha ka digaya muranka siyaasadeed ee u dhexeeya madaxweyne Xasan iyo ra’iisul wasaarihiisa.

WAJAALENEWS DESK

COMMENTS
LINKS