DAAWO;Madaxwaynaha Somaliland Oo Xadhiga Ka Jaray Wajigii Koobaad Ee Wadada Isku Xidhaysa Baligubadle Iyo Hargaysa.Khudbadana ka jeediyay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DAAWO;Madaxwaynaha Somaliland Oo Xadhiga Ka Jaray Wajigii Koobaad Ee Wadada Isku Xidhaysa Baligubadle Iyo Hargaysa.Khudbadana ka jeediyay
November 18, 2014 - Written by Editor:

HARGEISA(Wajaalenews);Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu maanta soo dhawayn aan kala go’lahayn ku soo dhaweeyey Shacbiga Caasimada Hargeysa iyo Baligubadle isaga oo xadhigana ka jaray Wajigii koowaad ee wadada uu hore u dhagax dhigay Madaxweynuhu ee Baligubadle iyo Hargeysa isku xidhi doonta.

Madaxweynuhu waxa uu maalmihii u danbeeyey la kulmaayey gurashada midhihiisa waxqabadka xukuumada ee uu hormoodka ka yahay madaxweynuhu isaga o jawaabtana ka helaayey kumanaan dadweyne ah oo ku kala dhaqan degmooyinka caasimada Hargeysa sida Salaxlay iyo Gobolka Hawd oo maanta sameeyey bandhigii ugu waynaa ee uu todobaadkan madaxweynuhu shacbigiisa kala kulmo.

Waxay ahayd goob aad loo soo agaasimay oo madaxweynaha loogu qado sameeyey xadhigana lagaga jaraayey Wajigii koowaad ee wadaasi oo ah 5KM, wadadan oo noqonaysa wadadii ugu horaysay ee shacbiga iyo xukuumadu iska kaashadaan ee tayadeeda iyo qaradeeduba ay tahay heerka ugu sareeya ee wadooyinka isaga goosha laba gobol ama Degmo taasi oo ay kow ka tahay hogaankana ay u hayso wadadan cusub ee xukuumadan la jaan qaaday kuna magacaaban tayo ahaan wadooyinka oo dhan.

Iyada oo ay halkaasi ka hadleen masuuliyiin, madaxdhaqameed, dhalinyaro iyo waayeelka Baligubadle kuwaasi oo kala ah.

  1. Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaliil
  2. Maayarka Degmada Baligubadle, Cabdi Iimaan Jaamac
  3. Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac)
  4. Eng Maxamed Muuse oo ah ka warbixiyey qiimaha iyo tayada wadada
  5. Sheekh Naasir oo ku hadlaayey Gudida wadada
  6. Maxamed Cali Ducaale Gudoomiyaha Deegaanada Beesha Arab
  7. Caaqil Maxamed Xaashi
  8. Gudoomiyaha Waxbarashadaee Gobolka Hawd, Cabdilaahi Ibraahim Xaaji Xasan
  9. Caaqil Maxamed Aadan Gaas
  10. Caaqil Aadan Ismaaciil (Suufi-haadh)
  11. Chief Caaqil Baashe Cismaan
  12. Ugaas Axmed Cali Mahdi
  13. Suldaan Barre
  14. Suldaanka Guud ee Beelaha Arab Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax

 

  1. Xaashi Mahdi Cabdi Gudoomiyaha Dalada Dhalinyarada Beesha Arab
  2. Wasiir ku xigeenka Shaqada iyo Arrimaha Dibeda Shukri Xariir Ismaaciil
  3.                        Wasiirka Gaashaandhiga Axmed Xaaji Cali Cadami
  4. Gudoomiyaha Gobolka Hawd Ibraahim X. Xasan
  5. Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Cali Warancade
  6. Gudoomiyaha Xisbi Xaakimka Kulmiye Mujaahid Muuse Biixi Cabdi
  7. Wasiirka Madaxtooyada JSL mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan
  8. Wasiirka Cadaalada iyo Garsoorka Xuseen Axmed Caydiid
  9. Madaxweynaha Qaranka Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo

Intaasi ka dib waxa madaxweynaha iyo weftigiisu ka qaybgaleen goob aad u u qurux badnayd oo si heer sare ah loo soo agaasimay looguna sameeyey hadhimo sharafeed weftiga balaadhan ee ka qaybgalay furitaanka wadadaasi

 

COMMENTS
LINKS