Daawo”Fadeexada Ka Dhalatay Xildhibaano Katirsan Golaha Deegaanka Berbera Oo Ay Si Arxandaro ah U garaacayaan Ciidamo RRU Ah Oo Uu Watay Wasiir Waracade | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Daawo”Fadeexada Ka Dhalatay Xildhibaano Katirsan Golaha Deegaanka Berbera Oo Ay Si Arxandaro ah U garaacayaan Ciidamo RRU Ah Oo Uu Watay Wasiir Waracade
November 4, 2014 - Written by Editor:

Berbera(Wajaalenews)-Ciidamo katirsan kuwa ka hortaga falalka argagixisada ee loo yaqaano RRu-da ayaa maanta gacanta ulatagay qaar katirsan xildhibaanada golaha deegaanka degmada berbera iyaga oo dhaawacyo gaadhsiiyay laba kamida xildhibaanada golaha deegaanka degmada berbera, xiliga xildhibaanada gacan ka hadalka lagu sameynaayay ayaa waxa ku sugnaa xarunta maamulka dawlada hoose ee berbera Wasiirka arimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed waracade oo socdaal saaka yimi berbera sidoo kalena watay ciidamada xildhibaanada dhaawacyada gaadhsiiyay

Xildhibaanada maanta gacanta ay ulatageen Ciidamada utoobabaran ka hortaga falalka argigixisadu ayaa kala ahaa Xildhibaan Saleebaan Cali Khayre iyo Xildhibaan Iid Saleeeban Cali labadan xildhibaan oo kasoo baxay xisbiga Ucid ayaa xiliga gacanta loola tagayay rabay inay galaan xafiiska duqa degmada berbera oo Wasiir waran cade iyo Kuxigeenkiisa amniga Cali Maxamed Cilmi shir kula lahaayeen Madaxda gobolka iyo qaar katirsan xildhibaanada golaha deegaanka degmada berbera.

Wasiirka ayaa la sheegay inuu berbera uyimi xalinta weerar hubaysan oo maalntii shalay ay ciidamo laga soo abaabulay maxjarka deero group ay ku qabsadeen Maxjar kaloo ganacsato xoolaha dhoofisaa ka binaynayso duleedka magaalada berbera

Xildhibaanadan ayaa waxa si arxandaro ah gacantooda ugu garaacay Ciidamada RRuda eek a amar qaatay wasiirka arimaha gudaha Somaliland iyada oo gudoomiyaha Gobolka Saaxil taagnaa goobta lagu garaacayay xildhibanada wax lad qabo ahna aanu ka galin

COMMENTS
LINKS