Daawo ;Madaxwaynaha Somaliland Siilaanyo oo ka Hadlay Rabshadihii Ka Dhacay Hargeisa, Burco Iyo Ceergaabo +Muxuuse Ka Yidhi Eedihii Gudomiye Ciro. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Daawo ;Madaxwaynaha Somaliland Siilaanyo oo ka Hadlay Rabshadihii Ka Dhacay Hargeisa, Burco Iyo Ceergaabo +Muxuuse Ka Yidhi Eedihii Gudomiye Ciro.
November 15, 2014 - Written by Editor:

HARGEISA(Wajaalenews);Daawo ;Madaxwaynaha Somaliland Siilaanyo oo ka Hadlay Rabshadihii Ka Dhacay Hargeisa, Burco Iyo Ceergaabo +Muxuuse Ka Yidhi Eedihii Gudomiye Ciro.

SIILANYO 2

Bismillaahi Raxmaan Raxiim

Assalaamu Calaykum Wa raxmatullahi wa barakaatu

 

Bulshada Somaliland dhammaan waan salaamayaa, waxaa ka xumahay in ay dhacdo maanta khilaaf iyo shiqaaqo uu abuuray Golaha Baarlamaanka. Waxay Hay’adaha ay khusaysa isoo gaadhsiiyeen in sababtaa awgeed loo dhaawacay ciidamadii ammaanka sugayey, hal qof oo shicib ah ku dhintay, afar qof oo kalena ay ku dhaawacmeen “Qaraabadii iyo eheladii iyo dhammaan dadka Jamhuuriyadda Somaliland waan uga tacsiyaynaa, aadna waan uga xumahay. Waxaan leeyahay nabadgelyada hala illaaliyo, ha lala shaqeeyo ciidanka booliiska, iyo guud ahaan Hay’adaha ammaanka ku hawlan, ammaanku waa shayga ugu qaalisaan ee qarankani haysto, aniguna Madaxweyne ahaan waa masuuliyadayda koowaad, cidna ka yeeli maayo in nabadgelyada iyo khalkhal la galiyo.

Golaha Wakiilada

Waxaan leeyahay Golaha Wakiilada waxaa idin saaran masuuliyad culus oo bulshadu idinka fadhido, ma aha in aad maalin walba is haystaan oo Qaranka qas gelisaan, dhammaan waxaa idiin soo gudbiyey Xeerarkii muhiimada Qaranka u lahaa. Xeerkii Ammaanka, Xeerkii Doorashada, Miisaaniyadii Qaranka, Komishankii Doorashooyinnka. Waa khalad in Guddoomiyuhu maalin kasta nagu eedeeyo in aanu faragelin ku hayno Golaha, mana jirto. Shaqada Qaranku idinka sugayo ka hawlgala, idinkuna wixii dhexdiina yaalla wada hadal ku dhammaysta, sharcigana u hoggaansama.

Golaha Guurtida

Golaha Guurtida waan ku ammaanaya waxaana ku hambalyeynayaa shaqada ay Qaranka u hayaan, gacanna waanu ku siinayna, waanay ku mahadsan-yihiin.

Xisbiyada

Xisbiyada waxaa loo sameeyey in qabyaaladda lagaga baxo, waa nasiib darro in maanta qaarkood ay kasoo baxdo baaqyo qabyaladeed, waxaan leeyahay qarankan waxaad u haysaan masuuliyad, waxaana waajib idinku ah in aad illaalisaan sumcadda, sharafta, iyo haybadda qaranimada.

 

WAJAALENEWS DESK

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS