Daawo – Kulankii Derbiga Tel Aviv Oo Isku Bedelay Mashaqo Weerar Taageeerayaal kusoo Qaadeen Ciyaartoyga Kadibna faraha layskula tagay. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Daawo – Kulankii Derbiga Tel Aviv Oo Isku Bedelay Mashaqo Weerar Taageeerayaal kusoo Qaadeen Ciyaartoyga Kadibna faraha layskula tagay.
November 4, 2014 - Written by Editor:

Hargeisa(Wajaalenews);Ciyaartii derbiga ahayd ee caasimada Yuhuuda ee Tel Aviv derby ku dhex maraysay labada kooxood ee Hapoel iyo Maccabi ayaa qaybtii dambe la baajiyey kadib markii weerar uu teegere ku soo qaaday ciyaaryahan sababtay mashaqo aan laga soo waaqsan oo xataa keentay in ciyaaryahankii lala dagaalamay kaadh ka casaanka ah lagu siiyo xaalkuna ka sii darro.

Dagaalkii-Derbiga-HALKAN KA DAAWO WIXII KALA QAYBSADAY LABADAN KOOXOOD

http://youtu.be/f9uBZ9BO1QQ

Iyadoo ciyaartu marayso 1-1, ayuu taageere kooxda Hapoel ahi weerar ku soo qaaday laacibka afka hore uga ciyaara naadiga Maccabi ee Eran Zahavi daqiiqadii 33 aad ee ciyaarta. Ciyaaryahankii ayuu garsoorihiina u taagay kaadhka casaanka ah isagoo ku eedeeyey inuu dagaalka ka qayb qallay laakiin arinta siidhi waduhu sameeyey ayaa xaalka cirka ku sii shareertay sababtayna in dagaal toos ahi dhex marto taageerayaashii iyo ciyaaryahanadii , kulankiina sidaas ku baaqdo.

Tababaraha naadiga Hapoel , Mr Eyal Berkovic, oo ciyaaryahanimadiisii u soo ciyaaray kooxaha Ingiriiska ah ee Manchester City, Southampton iyo West Ham, ayaa mashaqada kadib hadalkan naxdinta leh u ku yidhi saxaafada: “Tani ma ahayn ciyaar kubada cagta ah ee waxay ahayd dagaal. Waxaan gebibayguba la dhaqaaqi kari waayay yax yax kana xishoonayaa inaan ku dhex jiray maalin uun kubad cag sida tan maanta dhacday oo kale ah.”

 

 

COMMENTS
LINKS