C/raxmaan Ciro Wuu Ka Talaabay Xuduudii Qaranimada Wuxuuna Marayaa Tii Qabiilka ” Xaydha Jecli Beerka Jecli” Kala Daayo Dhanuun Haysugu Baydho: By Ugbaad | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
C/raxmaan Ciro Wuu Ka Talaabay Xuduudii Qaranimada Wuxuuna Marayaa Tii Qabiilka ” Xaydha Jecli Beerka Jecli” Kala Daayo Dhanuun Haysugu Baydho: By Ugbaad
November 16, 2014 - Written by Editor:

Salaan sharafeed dhamaan dadka reer Somaliland meelkasta oo ay joogaan mid lamida waxaan u dirayaa dhamaan warbaahinta xortaa ee baahisa afkaarta saliimkaa waanad ku mahadsan tihiin.

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland C/raxmaan ciro wuxuu 10sanad ahaa Gudoomiyaah Baarlamaanka bulshada Somaliland waxay u haysay karaamo Ixtiraam iyo qadarin, 2012 waxaa uu furtay Xisbiga Wadani ka dib markii uu ka cadhooday Ucid, waxaana intii labadaasi sano ka danbaysay uu lasoo baxay waxaan hore loogu aqoon waxaana uu muujiyey kuu yahay iyo shikhsiyadiisa dhabtaa, dadka reer Somaliland waxaa u qaadan waa ku noqotay C/raxmaan Ciro siduu ahaa iyo wuxuu lasoo baxay oo noqotay labaan is qaban .

Waxaa muuqata oo sida cad ceeda u ifaysa inuu ciro ka baxay saaxada qaranimada uuna u xuub siibtay masraxa qabiilka, waliba isagoo doonaya inuu noqdo madaxweyne, is qaban mayso dadkuna caamo maaha Golaha wakiiladan matalaa hadana mucaarid baan ahay waliba qabyalaad wax ku doonaya, taasi aragtidayda waxay ila tahay bulshada inay kasoo gudubtay oo ay marayso qaranimo iyo hadba cidii ay u arkaan inay hogaamin karto qaranka inay ku aaminaan oo u dhiibtaan.

Gudoomiye ciro labada hakala saaro hayskana daayo ”Xaydha jecli hadana Hadana Beerka Jecli” dadka waa u muuqataa in Gudoomiye Cabdiraxmaan ciro ka talaabay xuduudii milgaha qaranka uuna noqday isna cadeeyey inuu mansab sare ku doonayo qabyaalad taasina suura gal maaha oo somaliand maanta baahi doonkii beeluhu kursiga ku doonayeen inay ku aargoostaan waa laga gudbay waxaa la marayaa yaa hogaamin kara qaranka maxaa dhamaanteen inoo dan ah dalkana u naf ah ?

C/raxmaan ciro wuxuu kasoo jeedaa beesha galbeedka burco waxaa maalinkasta qaska loo samanaynaa dadka loo laynayaa taatirada loo gubayaa waa damiirkii qabiilka oo shaqaynaaya halka uu ka liciifay kii qaranimadu, waxaana ay soo bandhigeen mawqifkooda mustaqbalka hadiiba ay dalka qabsadaan iyo ficilada ay samayn lahaayeen, xitaa hadii doorasho lagaga guulaysto may aqbaleen ee sidaa ayey u qaylin lahaayeen.

By: Ugbaad Jalaqsan

ugaabjalaqsan@gmail.com

Oslo Norway

COMMENTS
LINKS