Cali Khaliif Oo Qiray In Ethiopia Dhawaan Dalkeeda Ka Caydhisay Iyo Sababta Keentay. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Cali Khaliif Oo Qiray In Ethiopia Dhawaan Dalkeeda Ka Caydhisay Iyo Sababta Keentay.
November 17, 2014 - Written by Editor:

Nairobi(Wajaalenews)-Cali Khaliif Galaydh oo hoggaamiyaha Kooxo fallaago ah oo dagaallo ka wada Deegaano katirsan Bariga somaliland, ayaa markii ugu horraysay ka Hadlay tallaabo dhawaan Dawladda Ethiopia kaga saartay Dalkeeda xilli uu shir kaga qaybgelayey.

Cali Khaliif Galeydh ayaa sheegay inuu jiro warkaasi,islamarkaana Dowlada Ethiopia ku amartay inuu iskaga baxo adis-ababa sababo uu ku sheegay khilaaf soo kala dhex galay maamulka kooxdiisa iyo Puntland.

Sidoo kale,Cali Khaliif Galeyr ayaa tilmaamay in wafdigii kale ee la socday iyagu loo ogalaaday inay ka qeyb galaan shirk,balse isaga kaliya lagu amray inuu iskaga baxo.

Mr Galeydh oo hore u soo noqday ra’iisal wasaaraha somalia ayaa hada sheegta inuu madaxweyne u yahay Kooxda Khaatumo oo dagaal dhuulaalaysi ah ku jirta, waxana uu dhawaan shaaciyey xiisaha uu u qabo Wada-hadal uu la galo somaliland oo in badan looga gacan haadiyey

 

COMMENTS
LINKS