Cabdirasaaq Sh Cali Askar Oo Shaaciyay In U Taagan Yahay Musharaxnimada Golaha Wakiilada Somaliand Gobolka M,jeex | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Cabdirasaaq Sh Cali Askar Oo Shaaciyay In U Taagan Yahay Musharaxnimada Golaha Wakiilada Somaliand Gobolka M,jeex
November 4, 2014 - Written by Editor:

Aniga oo ah Cabdirasaaq Sh Cali Askar ahna muwaadin reer somaliland ah , waxaan manta oo ay bishu tahay 4 November 2014 ,  aan halkan ku shaacinayaa in aan u taaganahay Musharaxnimadayda Tartanka Doorashada Golaha Wakiilada ee Gobolka Maroodi-jeex Sanadka 2015.

Aniga oo ku kalsoon Waayo-aragnimadayda iyo Aqoontayda in aan hanan karo xilka iyo masuuliyadaha looga baahan yahay xubnaha golaha xeer-dajinta qaranka Somaliland.

Murashax Cabdirisaaq Sheekh Cali 2

Waxaan markale halkan ugu gudbinayaa fariintaydan Taageerayaashayda meelkasta oo ay joogaan inaan manta halkan oogta gaka cadeeyey wixii aad iga sugayseen ee ahaa inaan si cad usoo bandhigo in aan u taaganahay tartaranka doorashada Golaha wakiilada 2015 INSHA ALLAH  la filaayo dhawaan.

Waxaan inoo rajaynayaa Guud ahaan Qaranka iyo shacabka Somaliland Guul iyo Barwaaqo.

 

Cabdirazaaq Sh Cali Askar

Musharax GolahaWakiilada Sland 2015

COMMENTS
LINKS