|
|||||
WAJAALE NEWS
BOQOL JIIDALI BAA KUGU SOO BAXSADEE BARTEE-BAAD KA BIXI!!! QALINKII: AA CIIDLE
November 27, 2014 - Written by Wariye:Waxaan salaamayaa dhamaan dadwaynaha akhrista maqaaladayada aan ku daabaco dagalada bulshada oo runtii aad ii dareensiiyay inay aad ula socdaan marba waxaa aan qoro iina sameeyay dhiiri galin aad u balaadhan, intaa dabadeedna aan uga gudbo dulucda maqaalkayga . caaway sii go’day tii dawlad ahayd ee axmad siilaanyo kadib markii ay caawa oo khamiis ah ay dhexda ugashay iyada oo adeegsanaysa ciidamadeedii bahdilaada shacabka loo samaystay eelamagacbaxay rru, da inamadii hogaanka u ahaa urur dhalinyareedka beesha subeer awal eela magac baxay jiidali ,waxaananaynu hore u ogayn inuu dulmi ku xidhanyahay gudoomiyahii ururkaasi jiidali oo uu mudo ka badan labaatan cisho ku xidhan yahay saldhiga dhexe ee magaalada hargaysa , Hadaba waxaan inyarka bixinayaa ujeedada ururkani u halgamayo waxaanu ururkani ku samaysmay midka mida dabaylaha siyaasadeed eedalka si ukase looga riday taasoo kasoobilaabantay markii gudoomiyaha xisbiga kulmiye mujaahid muuse biixi cabdi isku sharaxay inuu u tartamayo madaxwayne nimada dalka kulana tartamayo madaxwayne siilaanyo iyo cidkasta oo le han hogaamineed markii sawirka muuse biixi dambiga noqday , Hadaba muuse biixi ama ha is iibsho ama ha tanaasulo e dhalinyaradaasi lamay wareegin dulaanka siyaasadeed eek u dhacay siyaasiga muuse biixi e waxay siiwateen hankoodii siyaasadeed Waxaanay sidii hilaac bilig yidhi mar qudha dalka bari ilaa galbeed uga mudheen sidii awliyada ,dawlada oo indha didsan kula socotay dhaqdhaqaaqa kooxdan barkaysan ayaa uga daba ciday sidii dacawada laakiin taasi may joojin hayaankii siyaasadeed ee kooxdaasi u horseeday dhalinyarada beesha subeer awal waxaana laga taageeray dhamaan daclada dalka ama beeshu ha dagto ama yaanay dagine taasina waxay dhiigkar sii qaadsiisay xukuumada bilaa kalsoonida ku dhisan ee didaysa siada waraabaha . Dabayl caafimaadbaa dalkii ka da’day oo ah dhalinyarada jiidali Waxaanay marqudha lawareegeen quluubtii beelwaynta subeer awal Waxaanay halbacaad lagu lisay ka dhigeen dadaalo ay dharka ula baxeen wasiirada cadeedu u dhacaday eewaxaan lugooyo ahayn kula socon dawlada iyo madaxwayne siilaanyo waxaanan shacabka soomaaliland iyo cidkasta oo akhrisata maqaaladan u cadaynayanaa in cida kaliya eeku hadli karta namatali karta ee aanu udaba fadhiisanayno masiirkayaga nololeed ama siyaasadeed aytahay kooxdaa barakada qabta ee ilaahay dadka usoo saaray waqti barako le ee lamagac baxay kooxda jiidali ee aanay matalin waxana noo sheegi Karin maqli Karin wasiirada uu noo tiriyo heelo iyo kuwa lacaqliga ah waxaananu leenahay madaxwayne ayaanay kula dhibyaraan hgardaamada iyo dhibta aadku haysaan dhalinyaradaasi ,waxaanan shacabka iyo taageerayaasha beeshaba usheegaynaa inaanay jiidali ahayn afarta inane e aadcaawa ku faraxdeen qabashadooda e ay dhalinyarada beesha iyo taageerayaashayada kale ee beelaha kale soomaalilndba inaanay jiidali ahayn urur sidaa dhibta yar inta hogaanklooda sidaa dulmigu kujiro loo qafaasho ay halkaasi kubaabayaan .waxaa kale oo aan usheegaynaa waalidiinta dhalay inamadaa barakada qaba inaanu la diirnahay la dareen nahay lana wadaagno walawalka ku yimi qaabka xukuumadii xaquuqdooda daafici lahayd ay dulmiga ugu xidhan yihiin waxaanan wacad kumaraynaa inaanu dabkii ay shiodeen halkii kasii shidi doono oo aanay bakhtiin doonin afarta wasiir ee beenta usheega madaxawynaha soomaaliland Waxaanan shacabka usheegaynaa inaan lagu saamixi doonin shaqsiyaadka dhiiga kudalaca ee habeen iyo maaliln loo dirto dulaynta shacabkooda waxaanan wada ognahay inay gidaarka lagu qabatay hogaanka jiidali ay ku dhuumanayeen shaqsiyaad wasiira ah ookusoo balanqaaday inay afka ciida ugalin doonaan kooxdan yar laakiin waxaan leenahay jiidali iyo beeshani kawayn wax eeyar sidaaloo bakhtiinkarayo e waxaan cod dheer ugu baaqaynaa rumayso ama ha rumaysane inaan waxdambe oo isugu keen hadahay jirin jiidali iyo beesha subeer awal oo dhinaca iyo xukuumada xamad siilaanyo oo dhinac ah Waxaanay ukala silbadeen sida ay biyaha iyo saabuuntu ukala silbadaan waxaanan kusoo gabagabaynayaa adeerayaal hadaanu leenahay qiimaha aad nagu baacsanaysaan waxaalaydinka heli lahaa qadarinteeda e iska suga inta siidhiga xilwareejintu dushiina ka yeedhayo Gabagabadii waxaan hogaanka sare ee ururka dhalinyarada beesha subeer awal usheegaynaa inaanu halkii kasii wadi doono hawshaanu idiin diranay xukuumada axmad siilaanyo iyo afarta afmiishaar ee xaga dambe usaarana usheegaynaa inaanay jiidali ahayn afartaa aad gacanta ku dhigteen Waxaanan marlabaad iyo marsadexaad ku celinayaa boqol jiidalibaa kugu soo baxasadee waabartaad kabaxdaa wabilaahi tawfiiq QALINKII AADAN CABDI CIIDLE
COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|