Booliska Kenya Oo Gacanta Ku Dhigay Haween iyo Rag Walxaha Qarxa watay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Booliska Kenya Oo Gacanta Ku Dhigay Haween iyo Rag Walxaha Qarxa watay
November 13, 2014 - Written by Editor:

Nairobi:(Wajaalenews)-Saraakiisha sare ee Ciidanka Ammaanka dalka Kenya, ayaa shaaca ka qaaday innay gacanta ku dhigeen 10-qof oo laba ka mid ahi Haween yihiin, kuwaas oo lagu qabtay waxyaabaha qarxa.

booliska kenya

Dadkan, ayaa waxaa gacanta lagu dhigay xilli ay ka gudbayeen xuduuda, kuna wajahnaayeen gudaha dalka Kenya, waxaana xilligan soconaayo baadhitaano ka dhan ah.

Gatiria Mboroki oo u hadashay Taliska Ciidanka Kenya, ayaa waxay shaacisay in dadka gacanta lagu dhigay ay hore weeraro uga geysteen gudaha dalkaasi, isla-markaana ay xilligan u socdeen weeraro kale, oo ay ka geystaan.

Gatiria Mboroki, ayaa Warbaahinta u sheegtay inay soconayaan baadhitaano ka dhan ah dadka la qab qabtay, inkastoo aanay magacyadoodu xusin, balse ay dib kaga soo faah faahin doonaan Warbaahinta, kolka la soo gaba gabeeyo baadhitaanada.

Ururka Al Shabaab, ayaan wax war ah ka soo saarin wararka sheegaaya in Ciidamada Kenya, ay gacanta ku dhigeen ugu yaraan 10 xubnood oo ka tirsan dagaalama-yaashooda.

Kenya, ayaa waxay la xarbiyeysaa dagaal-yahanada Ururka Al Shabaab, oo la tilmaamo in si weyn uga soo horjeedaan soo gelitaanka Ciidanka Kenya ee Gobolada Jubbada Hoose iyo Gedo.

 

COMMENTS
LINKS