Bal sawir gacmeedkan si fiican uga bogo, kadibna wax ka dheh W.Q: Cali-Xaraaro | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Bal sawir gacmeedkan si fiican uga bogo, kadibna wax ka dheh W.Q: Cali-Xaraaro
November 16, 2014 - Written by Editor:

WAJAALENEWS ,Maxaa ku dhacay yaa beenta u sheegey waar dabaqa sare ina geeya wasiir samaale ayaa yidhi odeygii markabka wedey ayaa ii yeedhay oo igu yidhi anigu waan yara xanuun

Waa markab aad u weyn oo ilaa lix dabaq ah oo kala sarreeya kaasi oo sida [ay saaran yihiin] dad aad u fara badan. Markabka ayaa isaga oo gooshaya badweynta ayaa waxa uu jiidhay Buur badda hoosteeda ku taalla, kadibna waxa jabtay jir-jirkii markabka oo waa uu dalooshamay, waxaana xagga hoose ka soo galay biyo.

Dabadeed Maxaa Dhacay?…….Sida sawirka markabka ka muuqata Dabaqyada kala sarreeya ee Markabka mid walba waxaa ku xardhan dadka saaran iyo magaca deegaannadooda [beesha ay ka soo jeedaan]. Dabaqa u Sarreeya waxaa Saaran beesha Habar Xabuusho [Habar Jeclo], oo iyagu aan ka war haynin masiibada Markabka ku habsatay iyo biyaha hoosta kasoo galaya. Dabaqan ay beesha Habar Jeclo saaran tahay waxaa ka laba

dhacaya [deyaamaya] qalabka dananka [Music] oo kooxo ayaa u tumaya heeso. Muusigan kooxda garaacaysa waxa ay kala yihiin:

Mujaahid-Cali-Xaraaro

Mujaahid-Cali-Xaraaro

Kiitaarka [Guitar] waxaa garaacaya isla markaana ku luuqaynaya heesta hal ku dheggeedu yahay [Dalkeena…] Ninka loo yaqaan XIRSI [Wasiirka Madaxtooyada], Waxaa ku xiga oo isagoo la gama’san Segsafoonka [Saxophone] Wasiirka Madaarrada. Waxaa ku xiga oo isaguna la suuxsan Giitaarka Codka weyn [bass guitar] waa wasiirka Macdanta. Derbuuggada waxaa tumaya wasiirka ciyaaraha. Sidoo kale waxa madasha ka muuqda Aroos la salaamayo, waxaa iyaguna meesha fadhiya Niman Ganacsato ah oo ka tirsan golayaasha, Ganacsatada iyo kuwa la siiyo qandaraasyada la siiyo beesha Habar Jeclo. Waxa ka dhex muuqda nimankaas Gudoomiyaha Guurtida iyo Cali Mareexaan iyo weliba Ninka la yidhaahdo Cummaani.

Waxaa Iyaguna meel gooni ah fadhiya Niman uu ka dhex muuqdo Xildhibaan Rayte oo isagu jewiga ay madasha ku sugan tahay mid ka duwan ku jira isaga oo cod dheer oo qaylo dhaan ah ugu sheegaya dadka in Markabkii Biyo soo galeen, Nasiib darrose waxaa Rayte dhinac taagan nin kale oo Magaca ku hoos qorani yahay Baashe, kaasi oo mirqaansan, xildhbaankana ku le ‘Waar Ciyaarta soo gal’.

Sawir gacmeedkan waxaa isaguna ka muuqda ninka markabka wada oo isagu indhaha isku haya, ninkaasi waa Axmed Siilaanyo.

titanic_art

titanic_art

Waxaa isagana ku dhow ruux dumar ah oo ku leh “Xafladdii aroosku si fiican bay u socotaa”, haweenaydaasina waxaa magaca ku hoos qorani yahay Marwo Aamina Weris.

Dabaqa Labaad

Dabaqa ka hoose kan sare waxaa degen beesha Habar Awal, Dabaqanna waxa dadka ku jira badankoodu ogaadeen in markabka wax ku dhaceen, biyo-na soo galeen, iyaga oo u diyaar garoobey inay ka boodaan kuwo horena waabay boodeen hase yeeshee kuwo kale ayaa rumaysan inaanay markabka waxba gaadhin biyuhuna ay yihiin kuwii uu markabku sitey waxaanay ku dhawaaqayaan

jooga waxba ma jiraane waxa halkan ka muuqda wasiir samaale wasiir maxamed biixi wasiir samsam wasiir abiib wasiir cali gadheer ramaax oo ah badhisaab cali xoor xoor iyo xildhibaano ay ka mid yihiin xasan cawaale iyo aadan san qoole waxaanay dhamaan tood leeyihiin dadku miyuu wareeray maxaa ku dhacay yaa beenta u sheegey waar dabaqa sare ina geeya wasiir samaale ayaa yidhi odeygii markabka wedey ayaa ii yeedhay oo igu yidhi anigu waan yara xanuun sanayaaye nin markabka ka xayn garanaya ii keena markaa maxamed biixi ayaa weligiiba maraakiibta wedi jirey isaga ayaana mar dhaw fuulaya oo markabka kaxaynaya waxaanu sidaa ku leeyahay dadkii argagaxu ku dhacay oo kolba gees u cararaya hadal kana aan maqlaynba halkana waxa taagen ganac sade maxamed aw siciid iyo cali gobanimo oo muuse biixi ku leh odeygi wuxuu nagu yidhi waan daalaye u yeedha muuse markabka ha kaxeeyee waxase nasiib daro ah biyihii ayaaba xoog u soo galay markabka sida sawir gacmeedka ka muuqa

tana hoos ayaabu markabku u sii degeyaa saaxiibayaal inta kale idinku ku darsada oo dhamays tira.

W/Q: Cali Cismaan Cabdi Libaax {Cali-Xaraaro}

FACEBOOK: www.facebook.com/calicismaan.libaax

 

 

COMMENTS
LINKS