Baarlamaanka Somalia Oo Maanta Yeelanaya Kulan Lagu Soo Bandhigayo Mooshinka Ra’isal Wasaaraha. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Baarlamaanka Somalia Oo Maanta Yeelanaya Kulan Lagu Soo Bandhigayo Mooshinka Ra’isal Wasaaraha.
November 11, 2014 - Written by Wariye:

jawariMuqdisho(Wajaale News):-Baarlamaanka Somalia, ayaa maanta yeelanaya Kulan la filayo in lagu soo bandhigo Mooshinka ka dhanka ah Ra’isal wasaaraha Somalia ee Xildhibaano Baarlamaanka ka tirsan hore ugu gudbiyeen Shirgudoonka.

Mudanayaasha Mooshinka Kalsoonida lagagala noqonayo Xukumadda Somalia wada ayaa Fadhiga golaha ka akhriyaya Mooshinkooda iyo asbaabta ay u cuskanayaan ka dib markii ay Mooshinkan keeneen Madaxda Somalia oo khilaaf culusi ka dhexeeyo.

Inka badan Boqol xildhibaan ayaa Maalmihii la soo dhaagay Shir gudoonka u gudbiyay  Mooshin xilka lagaga xayuubinayo Xukumadda Ra’isal Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed Oo khilaaf xooggani ka dhexeeyo Madaxweyne Xasan Sheekh.

Maalmaha soo socda ayaa la filayaa in labada dhinac ee Xildhibaanada oo qaar taageersan yihiin Xukumadda Ra’isal wasaaraha qaarna wadaan xilka xayuubinteedu doodo isku weydaarsadaan Golaha,iyadoo intaa ka dib la filayo in Cod loo qaadi doono Xukumadda.

Dabayaaqadii sanadkii hore ayaa Baarlamaanku xilka ka qaaday Ra’isal wasaarihii wakhtigaasi  ka dib markii Madaxweynaha ay isku khilaafeen hawlahooda shaqo.

Hargaisa Office
Wajaalenews.net
Email:habane00@gmail.com
Wariye:Abdiqadir Abdirahman Habane

COMMENTS
LINKS