Afhayeenka Ururka Jiidali oo Si Kulul uga Hadlay Hawlgal fashilmay Oo Xukuumadu Doonaysay In Lagu Xidho Masuuliyiinta Ururka Jiidali. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Afhayeenka Ururka Jiidali oo Si Kulul uga Hadlay Hawlgal fashilmay Oo Xukuumadu Doonaysay In Lagu Xidho Masuuliyiinta Ururka Jiidali.
November 5, 2014 - Written by Editor:

Haddii La sharaysto Jiidali Wallaahi Shar bay Noqonaysaa, Haddiii Nalagu Qasbo Meel Aanaan u Socon Annagaa..”
Hargeysa (Wajaalenews)- Afhayeenka Ururka Dhalinyarada Beelaha Subeer Awa lee Jiidali Faysal Cumar Madar (Qumuj) ayaa Jawaab ka bixiyey Hawl gal fashilmay oo ay xalay  xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ku damacday in lagu qafaasho qaar kamid ah hoggaanka ururka Jiidali.

Ciidamo ka tirsan sirdoonka Somaliland balse dhar cad ah ayaa Saqdii dhexe ee Xalay guryahooda ugu daatay Hoggaanka sare ee Ururka Jiidali, gaar ahaana guddoomiyaah Ururkaas iyo xoghayahiisa guud, kuwaas oo ay damceen inay xabsiga dhigaan iyaga oo aan haba yaraatee wax sharciyad ah u marin qorshoodaas.

Haddaba Afhayeenka Ururka Jiidali Faysal Qumuj ayaa ka hadlay shirqoolkaas fashilmay oo ku tilmaamay mid ay ka dambeeyaan xubno aan naxteex u ahayn qaranimada Somaliland. Geesta kale afhayeenku waxa uu farriin u diray Madaxweyne Siilaanyo iyo Wasiirkiisa Arrimaha gudaha.

Sidoo kalena waxaa uu Hambalyo u diray Jaalliyada Subeer Awa lee dalka UK oo iyagu dhawaan ku dhawaaqay Laanka Ururka Jiidali ee Dalkaas, isaga oo soo dhaweeyey bulshada kale eek u dhaqan Wadamada Yurub iyo waqooyiga Ameerika. Ugu Horeyn Faysal Qumuj Oo la weydiiyey su’aal nuxurkeedu ahaa in isku dayga lagu beegsaday Hogaanka Ururka waxaa uu yidhi “Arrintaasi [xadhiga lala raadinayo xubnaha Jiidali], laba xubnood oo kamid ah Hoggaanka Ururka Jiidali oo kala ah guddoomiyaha ururka Jiidali iyo xoghayaha guud  ayaa labadaba guryahooda loogu tegey [Habeen hore], cidda u tagtayna dad dhar cad ah bay ahaayeen oo aan sidan wax sharci ah iyo wax waaran ah toona”.

Sidaas ayuu yidhi Af-hayeenka ururka Jiidali Feysal Qumuj, waxaanu intaa ku daray isaga oo ka hadlaya ujeedooyinka saldhiga u ah Jiritaanka ururkooda “Jiidali waxa ay u taagan yahay inay ixtiraanto sharciyadda dalka u taalla, laakiin ma ixtiraamayso inay cid gaar ah farxadeeda raalli geliso, waxaana naloo sheegay in dad aan jeclayn qaranimada Somaliland ay soo direen dharcadda guryaha tegey, waana nasiib darro in askar masaakiina h oo la og yahay xaallada ay ku nool yihiin isla markaana mushaharkoodu aanu ku filnayn in la yidhaahdo ciddaasi annaga ayay na farxad gelin waayeenne  soo xidha, sharci darraduna xukuumado badan bay soo riday oo ay weliba kuwa xukuumadda ku jiraa ay aad waayo aragnimo badan ugu leeyihiin, waxanan filayaa in ay waayo aragnimo ugu filan tahay halkay ku dembeeyeen xukuumadihii ay sharci darradu galaafatay, annaguse Jiidali ahaan waxaanu diyaar u nahay in wixii sharci darro ah ee aanu wadno nalaga qabto wixii aanu sharci iyo xaq u leenahayna nalagu taageero.

Waxa uu Jiidali diyaar u yahay in uu ixtiraamo sharciyada Somaliland u taalla inuu ixtiraamo haddii sifada saxda ah loo soo maro, haddiise la isu soo mari waayo sharciyadda wadada uu marayo waa uu yaqaanaa.” Ayuu yidhi.

“Waxaan fursadan uga faaiidaysanayaa laba arrimood marka hore waxaan hambalyaynayaa bulshada reer Somaliland gaar ahaan beesha Subeer Awal ee ku dhaqan dalka UK oo xalay ku dhawaaqay ururka Jiidali, dalalka ku xiga ee Scandinavian-ku ugu horeeyana waanu soo dhawaynaynaa  qolada waqooyiga Ameerika oo hore ugu dhawaaqayna waan hambalyaynayaa, waxaan u sheegayaa in reernimada aanay mushkilad ahayn ee ay haboon tahay in marka hore la kala garto Qabyaalada iyo qabiilka  nin walibana waxaa uu xaq u leeyahay in reer koodu tashado, tusaale ahaan maalintii Madaxweynuhu reerkooda  shirinayay ee ay Somaliland oo dhan ka tashanayeen, beesha Subeer Awal way garab taagnayd, Waxaanay ku taageersanaayeen inay Somaliland u soo shiraan.

Waxa la og yahay xukuumadda maanta talada haysa in shaqada looga baahan yahay ay tahay WAjaale oo koonaha galbeed ee Somaliland ku yaalla ilaa Buuhoodle ayaa ololaysa ee inay shaqadeda ka qabsato. Waxa kale oo aan u sheegayaa oomeesha ku jirta in Haddii La sharaysto Jiidali wallaahi shar bay noqonaysaa laakiin haddii khayr laga dhigto iyada ayaa u jilicsan oo jecel inay Somaliland Jirto haddiise nalagu qasbo meel aaanan u socon annagaa banaysanyna meesha aanu marayno.

Qoddobka labaad ee aan doonayo inaan ka hadlaa waxaa weeye qolada ay Axmed Siilaanyo iyo Waran cadde ugu horeeyaan, inkastoo dadka Madaxweynaha ku xeerani ay yidhaahdaan wax badan ma oga haddana  umada Somaliland isaga ayay dooratay, nin libaaxyo quudinaya iyo dumar toona lama dooran. Axmed Haddii uu sharciga ixtiraami waayo waxaanu soo bandhigi doonaa heshiisyadii  federaalka ahaa ee la galay , waxaanu haynaa heshiisyadii Xukuumadda lala galay ee Xisbiyada Mucaaridka ah iyo Muxaafidkaba Nayroobi loogu qaybiyey” sidaa ayuu Yidhi Afhayeenka Ururka Jiidali oo Waraysi gaar ah siiyey Idaacadda Radio Hilaac Xalay, taas oo qayb kamid ah aanu halkan idinku soo gudbinay waraysigiisa oo arrimo kala duwan ka hadlayay.

WAJAALENEWS DESK

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

 

COMMENTS
LINKS