|
|||||
WAJAALE NEWS
16-ka Mid ah Golaha Wasiirrada Somalia Oo Ra’isal Wasaarahooda usoo jeediyey Inuu Iscasilo
November 17, 2014 - Written by Editor:Muqdisho:(Wajaalenews)-Xubnihii ugu badnaa ee kamid ah Golaha Wasiirrada somalia, ayaa usoo jeediyey Ra’isal wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed inuu iska casilo xilka uu Hayo, maadaama sida ay sheegeen ay meesha ka baxday wada-shaqayntii dawladdu. Xubnahan ayaa la sheegay in qoraal ay ku saxeexan yihiin u gudbiyeen Ra’isal wasaaraha, waxana ay ku Gooddiyeen Haddii uu is casili waayo inay Iyagu iscasilayaan dhawaanahan. Wasiirka arrimaha gudaha ee xukuumada Somalia C/llaahi Goodax Barre ayaa isagu warbaahinta u xaqiijiyey in xubnahaasi gudbiyeen Waraaqda ay Ra’isal wasaaraha kaga dalbanayaan iscasilaadda, jawaabteedana ay sugayaan. Wasiirka ayaa sheegay in go’aankan ay qaateen ka dib markii ay arkeen marxaladda siyaasadda dalku aymareyso, isla markaana Ra’isul wasaaraha uu yahay midka fududeyn kara xal u helida khilaafka ka dhex aloosan isaga iyo Madaxweynaha. “Wey jirtaa inaan anagoo illaa 16 wasiir ah warqad gaadhsiinay taasoo ah naseexo aan wasiirka koowaad kula talineyno inuu xilka iska casilo uuna isagu noqdo qofkii xilkaska ahaa ee khilaafka soo afjari lahaa si loo badbaadiyo qaranimada dalka” ayuu yidhi wasiirku. C/llaahi Goodax Barre ayaa qiray in khilaafka ka dhex aloosan madaxweynaha iyo raisul wasaaraha uu saameyn ku yeeshay habsami u socodka howlaha xukuumada si taas meesha looga saarana ay tahay inuu isbedel dhaco. “Madaxweynuhu wey cadahay inuu lumiyey kalsoonidii uu ku qabay raisul wasaaraha, marka is jiid jiid waxba tari maayo, waxaa wanaagsan in xal la helo, xalkiina waxaan u aragnay inuu ku iman karo raisul wasaaraha inuu xilka baneeyo” ayuu yidhi Mar kale. Arintan ayaa ku soo beegmaysa xili raisul wasaaraha uu culeys siyaasadeed ka heysto Baarlamanka ka dib markii xildhibaano taageersan madaxweynaha ay ka gudbiyeen mowshin kalsooni kala noqosho ah.
COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|