Xuska Maalinta Shuhaadada SNM Oo Hargaysa Lagu Xusay Iyo Mujaahidiinta Oo Si Midaysan Uga Hadlay+Sawiro. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xuska Maalinta Shuhaadada SNM Oo Hargaysa Lagu Xusay Iyo Mujaahidiinta Oo Si Midaysan Uga Hadlay+Sawiro.
October 18, 2014 - Written by Wariye:

Hargaysa(Wajaalenews):_Magaalada hargaysa Ayaa maanta Si balaadhan loogu Xusay 30 Guuradii kasoo wargeetay 17Ka Actobar Ee ay dhinteen Mujaahidiintii Ugu Badnayd Ee SNM.
DSC08461
Munaasibada oo lagu Qabtay Fagaaraha Beerta Xoriyada Ayaa waxa kasoo Qayb Galay Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye,Mujaahid Xasan Guure,Ibraahin Dhago Wayne,Maxamd Kaahin,Xasan Xuseen Axmed Caydiid Iyo Mujaahidiin Badan.

Munaasibadan ayaa ahayd Mid Faatixada Loogu Marayay Mujaahidiintii Dhaliyay Gooni isutaag Somaliland,Waxaana Ay dhamaantood Mujaahidiintu isku mid uga warameen,Maraaxilkii Kala Duwanaa Ee Ay soo mareen.

Jimciyadda Mujaahidiinta Sooyaal Oo kulan kani soo qaban qaabisay ayaa ugu Horeyn waxa munaasibada ka hadlay Gudoomiyaha Jimciyadda Mujaahidiinta Sooyaal,Mr.Xasan Cabdi Maxamed.

“Maanta Waa 17 Aktoobar,Waana Maalintii u dhacay dagaalkii ugu qadhadhaa ee burca duuray kuwaas oo ay ku dhinteen Mujaahidiin Badan oo uu ka kaw yahay Mujaahid Lixle iyo Mujaahidiin Badan,Markaas Sidaas ayaanu ugu magac darnay Maalintan,Anagu Hadaanu nahay Ururka Mujaahidiinta Ee Sooyaal Waxaanu isku hawl-nay Sidaanu U Qaban qaabin Lahayn Xafladan, Shacabka somaliland ee Aan Ogayna Maalintaasi Qadhaadhna U Xasuusin Lahayn.

Gudoomiyaha Jimciyadda Mujaahidiinta Sooyaal,Mr.Xasan Cabdi Maxamed oo Hadalkiisa sii wata ayaa intaas waxa uu ku daray” Waxaanu Leenahay Xukuumada waa in Mujaahidiinta Wax u qabato,Maanta Xiligan oo kalaa waxaan jooga Meel Galool Leh,Bil Cin leh oo Qarfo ah waxa halkaas loogu jiray waxa ay ahayd in Taliskii Siyaas Bare Dalka laga xoreeyo Maanta waa laga Xoreeyey.

Mujaahid Xasan Guure Jaamac Ahna Guddoomiyaha Madasha wadatashiga iyo Toosinta qaranka somaliland oo isna kulan kaasi ka hadlay ayaa ku dheraaday Muhiimada ay shacabka somaliland u leedahay 17Ka Actobar waxaana uu yidhi”
snm
“Maalintan 17Ka Actobar Waxa jiray Dagaalo ka waawaynaa Lakiin waxa Magac Loogu Bixiyay Waxa dhintay Mujaahidiin Waawayn oo uu ka mid ahaa Mujaahid Lixle iyo Mujaahidiin Badan,Maalintaas waxa ay SNM u ahayd Guul Marna Waxa ay u ahayd Murugo oo wax aka dhintay Mujaahidiintii ugu badnaa.
bonboy
Waxa uu baaq u diray Xasan Guure Madaxwaynaha somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo kaas oo ku booriyay inuu Xarumo u dhiso Mujaahidiinta ubadkoodu Ku Dulman Yihiin Magaalada,Kuwii ku caryaamayn U dhiso Xarumo Ay galaan waxaana uu yidhi”

muuse bixi
“Waxaan Baaq U diray Madaxwaynaha somaliland,Baqaas  oo uu isoo Furay Mujaahid Maxamed Xaashi,Madaxwayne Waxaad Xarumo U dhistaa Agoomihii Ay ka tageen Mujaahidiintii SNM,Kuwaas oo ay ku Cadilan Yihiin Dadkii Wadankan usoo Halgamay Gidaarada Magaalada hargaysa,Waxa kale oo uu sheegay in ay dhisaan Xarumo Lagu Aruuriyo Tariikhda SNM si aanay U baabin.

Yuusuf Cabdi Oday oo ahaa Tababarihii Ciidanka SNM Ee Degaanka Awaare oo Imikana Gashaanle Sare ah ayaa cadeeyey In Ciidankii ugu Horeeyey usoo tababaray SNM ay Ahayeen Kuwii guusha dhaliyay Markii ay Soo Jeesan waayeen.


Maxamed Kaahin Axmed Mujaahid Ibraahin Dhaga Wayne Ayaa si iskumid ah uga maray Dagaalkii qadhadhaa Ee Burco Duuray Mujaahidiintii Maalintaas Geeriyoodayn Fataaxada u maraya.
DSC08501
Waxa ay shegeen in Maalintaas ay ahayd Maalin Tariikhda Somaliland Baal Dahab ah ka gashay,isla markaas Guulo ay soo Hoyeen Mujaahidiintii Dhaq-dhaqaaq Xoriyada Doonta somaliland Ee SNM,Waxa ay shegeen in Maalintaas Ay ahayd Murugo Marna ay ahayd Guul.

“Maalintaas Waxa ay ahayd Maalin qadhaadh oo Mujaahidiinta usoo dhaqaajiyeen in ay dalka ka saraan Kaligii Taliskii Maxamed Siyaas Bare,Waxaana Odhan karaa Farxada Aad Maanta ku Nooshiin Ragii dhaliyay Waxa ay Joogaan Banaanka waxaana ay ku cadilan Yihiin Qaarkood Gidaarada iyo Suuqyada Somaliland.Sidaas ayaa uu yidhi Ibraahi Dhago Wayne.
DSC08482
“Qolada Neceb Mujaahidiinta,Markaas waxaanu leenahay Tariikhda Hala Adeekyo,Wadanka Waxa iska leh SNM kumana Silic Sanaan Karto SNM Wadanka somaliland,Madaxwaynaha Xusbiyada iyo Xukuumadaba waxa loo baahan yahay in ay Adeekayaan Midnimada SNM,Wixii Xukuumadana wax laga siiyo.Sidaas ayaa uu yidhi Mujaahid Maxamdd Kaahi.
muuse bixi
Dhinaca kale Mujaahid Muuse Biixi cabdi iyo Wasiirka wasaarada Cadaalada iyo Garsoorka somaliland  Xuseen Axmed Caydiid oo Iyana munaasibada ka hadlayn ayaa si isku Mid ah Uga hadlay Tariikhda Dheer ee ay Soo mareen SNM,Waxa ay Shegeen in ay SNM Tahay  Somaliland,Keentayna in ay Shacabka somaliland ku seexdaa Nabad iyo Rayn Rayn,Waxaana ay cadeyeen in ay Baaq kasoo yeedhay xasan Guure gaadhsiin Doonaan Madaxwaynaha somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaany.

bonboy
Gaba-Gabadii Fanaaniinta Somaliland oo iyaguna Goobtaasi Kusoo Bandhigay Heeso Fariin u ah Madaxwaynaha somaliland oo ay leeyihiio”Madaxwayne Mar uun Soo Eeg Mujaahidiinta SNM.

Hargaysa Office
Wajaalenews.net
Email:habane00@gmail.com
Wariye:Abdiqadir Abdirahman Habane

COMMENTS
LINKS