Xukuumadda Iran Oo Deldelaad Ku Fulisay Haweenay Muddo 6-Sano ah Dil Suge ahayd | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xukuumadda Iran Oo Deldelaad Ku Fulisay Haweenay Muddo 6-Sano ah Dil Suge ahayd
October 25, 2014 - Written by Editor:

Tehran:(Wajaalenews) Xukuumadda Waddanka Iran, ayaa Maanta Xukun deldelaad ah ku fulisay Reyhaneh Jabbari, oo ahayd gabadh 26-jir ah, isla-markaana xukunkan sugaysay muddo lix sano ah.

Gabadhan, ayaa la soo xidhay sanadkii 2007-dii, markii laamaha ammaanka ay ku soo qabteen tooreydii ay ku dishay ninkii u shaqeynaayay, kaasoo la sheegay in dilkiisii uu yimid markii uu isku deyay in uu kufsado.

http://youtu.be/q3Q1-08oFD0

Maxkamada Tahraan, ayaa waxay sheegtay in Reyhaneh Jabbari ay Maxkamada ka hor qiratay inay dhabarka mindi ka gelisay ninkii u shaqeynaayay, balse uu dhameystiray qof kale oo guriga ku sugnaa.

Maxkamada, ayaa waxay xaqiijisay in Reyhaneh Jabbari ay qiratay inay dilka geysatay, isla-makaana ay ku xukuntay xukun dil daldalaad ah, taasoo ay dunidu ka hortimid.

Qaramada Midoobey, ayaa waxay ku baaqday in Iran ay dib u dhigto kiiska gabadhan amaba ay faraha ka qaado, oo ay cafis u fidiso, iyagoo qiil uga dhigay inay iska difaaceysay nin isku deyay in uu kufsado.

Caalamka, ayaa wuxuu waday olole uu ku doonaayay in xukunka dilka ah looga badbaadiyo gabadhan, hase ahaatee taasi ayay ka hortimid Dowladda uu hogaanka u hayo Madaxweyne Hassan Rouhani.

 

COMMENTS
LINKS