Xukumada oo ka Qafaalatay magaalada Sheikh ee Gobolka Saaxil Gudoomiyihii Gobolka Tog-dheer ee Ururka Dhalinyaradii Subeer Awal’JIIDALI | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xukumada oo ka Qafaalatay magaalada Sheikh ee Gobolka Saaxil Gudoomiyihii Gobolka Tog-dheer ee Ururka Dhalinyaradii Subeer Awal’JIIDALI
October 10, 2014 - Written by Editor:

SHEEIKH(Wajaalenews);Waxa ay Maanta oo Jimce 10/10/14 xukumadu ka Qafaalatay magaalada sheikh ee Gobolka Saaxil gudoomiyahii ururka Dhalinyaradii Subeer Awal ee JIIDALI ee Gobolka Tog-dheer Mr. Cabdisamad Axmed Boon.

cabdisamad ahmed

Gudoomiyaha oo markii laga qabtay magaalada sheikh ayaa waxa loo dhaadhiciyay dhanka magaalada Berbera,xadhiga gudoomiyaha gobolka togdheer ee JIIDALI waxa soo amray madaxtooyada Somaliland kadib markii ay dhawaan dhalinyarada kazoo kala jeeda gobolada Somaliland oo dhan ayaykaga dhamaawaaqeen shir ayay kaga tala bixinayaan qaranimadii Somaliland ee dhawaantan inta xukumadani jiratay mugdigashay .

Shirkaas ay dhawaan kaga dhawaaqeen dhalinyarada Somaliland magaalada BURCO oo ay xukumadu Dagaal kula jiratay ayaa aanu u aanaynanaa in loo xidhay gudoomiye C/samad Ahmed loo xidhay .

Waxaanu hadaba xukumada u sheegaynaa in rabitaanka dhalinyaradu ayay ka arinsanayaaan mustaqbalka dalku aanu ku joogsan doonin mid iyo laba la xidho .

Guud Ahaan Ururka DHalinyarada Subeer Awa lee JIIDALI waxa uu baaq udirayaa dhalinyarada soomaliland in aanay ka waaban kamidhalinta Halganka Badbaadinta dalka.

 

Faysal cumar madar

Afhayeenka Jiidali

COMMENTS
LINKS