Xoghayaha QMBanki Mon Oo Maanta Muqdisho Ka Degay, Lana Shiray Madaxda Somalia | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xoghayaha QMBanki Mon Oo Maanta Muqdisho Ka Degay, Lana Shiray Madaxda Somalia
October 29, 2014 - Written by Editor:

Muqdisho(Wajaalenews);Xoghaya Guud ee Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa MD Banki Mon iy wafti sare oo uu hoggaaminayo, ayaa saaka kasoo degay Garoonka Diyaaradaha Ee Muqdisho, waxana ay shirar la qaateen Madaxda ugu sarraysa Dawladda Somalia.

Shirka oo ka dhacay qayb ka mida Garoonka diyaarahada Muqdisho ayaa loogaga hadlay dadaalada ay Soomaaliya ka wado Qaramada Midoobay sida taageerada ay siiso dowladda iyo maamul goboleedyada, kaqayb qaadashata tayeynta ciidamada Soomaaliya oo buuxa iyo qodobo kale oo muhiim u ah labada dhinac.

Banki Mon, ayaa soo maray dalalka Djibout iyo Ethiopia, waxana la filayaa inuu dhinaca Kenya u noqdo, walina lama hubo ujeeddada rasmiga ah ee uu u socdo.

Banki Mon ayaa xilligii xukuumaddii Ku-meel-gaadhka ahayd ee Sheekh Shariif, waxa uu ka degay Magaalada Muqdisho, waxana uu shirar kala duwan la yeeshay Madaxdii xilligaas, iyadoo xilligaas xoogaga Al-shabaaba ay dalka xoog badan ku lahaayeen.

WAJAALENEWS DESK

COMMENTS
LINKS