Xilka yaad u dhiibatey…..Eed La Xisaabtameysaa? Qalinki M. bile | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xilka yaad u dhiibatey…..Eed La Xisaabtameysaa? Qalinki M. bile
October 27, 2014 - Written by Editor:
  1. Waxa jira xisbi ad taageerto oo ad awood ku leedahay oo ay qasab ku tahay inuu ku dhageysto;
  2. Waxaad leedahay xildhibaan ku mushahar qaata, heybaddii deegaankaagana kursi ugu fadhiya;
  3. Waxa ad leedahay wasiir ku dooda inu deegaankaaga iyo weliba beeshaada dawladda uugu jiro oo uu wakiil ka yahay;
  4. Waxaad leedahay xubin guurti ah oo magacaaga meesha ku fadhiya

Dadkan oo dhan adaa ka adag waa haddii Ilaahey awoodaada ku garansiiyo. Ha noqon dameer malab sida. Ku qasab iney taageeraan danta deegaanka ay wakiilka ka yihiin oo aan aheyn iyaga guryahooda ka hor mudahraad. Iyaga cimaamadda ka tuur. Iyaga ku qasab iney bannaan baxaaga hor kacaan.

masuuliyiinta 3

Haddii ad kuwan oo dhan ka soo meereysato oo kolba farta laguugu fiiqo wasiir kale iyo madaxtooyada, adiga uunbaa lagu sixrayaa.

Awoodaada waxa lagu garan doonaa, maalinta arinta ad diidan tahay aad aragto wasiirkii deegaankaaga Oo shirka golaha wasiirada soo hordhiga. Awoodaada waxa ad garan doontaa marka aad bannaan baxaaga ay hoggaamiyaan xildhibaanka iyo guurtida deegaankaagu. Inta aaney taasi dhicin weli Damer Malab sida ayaad tahay oo aan awoodiisii ku aarsan garanayn.

Qalinkii Maxamed Cali Bile

COMMENTS
LINKS