Xildhibaan Indho-indho Oo Saluugay Saamiga Ay Beeshiisu Dawladda Ku Leedahay,Taageerayna Ururka Dhalinyarada Ee JIIDALI | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xildhibaan Indho-indho Oo Saluugay Saamiga Ay Beeshiisu Dawladda Ku Leedahay,Taageerayna Ururka Dhalinyarada Ee JIIDALI
October 12, 2014 - Written by Editor:

Hargeysa (Wajaalenews)-Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Xasan (Indho-Indho), oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Guurtida Somaliland, kana soo jeeda Beelaha Barri, ayaa saluugay saamiga ay beeshiisu ku leedahay Dawladda, waxaanu cadaalad daro uu ku tilmaamay in aanay Somaliland ka helin saamigii ay beeshiisu ku lahayd, waxaanu Wadamada Mareykanka iyo Ingiriiska uu ka codsaday inay soo dhex galaan, oo gogol fidiyaan, isla markaana xaqooda ay ka siyaan Somaliland.

indho-indho

indho indhoXildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Xasan (Indho-Indho), ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in aanay beeshu u qalmin Madaxweyne ku xigeenka, oo ay hore uga diideen Xukuumaddi Daahir Rayaale, oo ay xaq u leeyihiin Guddoomiyaha Barlamaanka iyo Guddoomiyaha Maxkamada sare.

Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Xasan (Indho-Indho), oo Shir jaraa’iid ku qabtay Shalay Xarunta Golaha Guuritada, ayaa waxa uu ka hadlay Cali Khaliif Galaydh, oo uu sheegay inuu xaq u leeyahay inuu wada hadal Somaliland la galo, waxaanu sidoo kale uu ku baaqay in sida ugu dhakhsaha badan loo soo daayo Guddoomiyaha Ururka Dhalinyarada Jiidale ee Burco lagu xidhay, waxaanu ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay “Waxaan doonaya in aan ka hadlo Guddoomiyihii Jiidale ee lagu xidhay Burco,oo aan leeyahay cadaalad daro ayuu ku xidhan yahay, Guddoomiyahaasi waa Guddoomiyaha Ururka Dhalinyarada Somaliland ee Jiidale la baxay, Ururkaasi waa Urur dhalinyaro oo is abaabulay, in Ururadu is abaabulaan, oo isku abaabulaan Ururo Bulsho, Ganacsi, Dhalinyaro, mid walba inay isku abaabulaan Dastuurkeena ayaa fasaxaya, waxaana leeyahay qoloda Burco joogta cadaalada hor keena, deg degna u sii daaya, qofku qiyam ayuu leeyahay Ururo Bulsho iyo Ururo ganacsi ayaa la sameeysan karaa, kuwa Haween ayaa jira, kuwa Dhalinyaro ayaa jira cid ay Dhalinyaradu u xidhan tahayna ma jirto, waxaan leeyahay sida ugu dhakhsaha badan u sii daaya, Ururkaasi waa Urur Dhalinyaro ah, aniguna taageerahooda ugu weyn ayaan Maanta laga bilaabo ahay, Inamadaasi haddii ay khaldan yihiin aniga ayaa khaladka ka qabanaya, haddii ay saxsan yihiin oo sharciyada waafaqsan yihiin waan taageeraya”.

Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Xasan (Indho-Indho), oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Waxaan leeyahay mar labaad iyo mar saddexaadba, waxa jira shaqo la’aan, waxaana Dhalinyaradu u baahan yihiin in lala taliyo, xuquuqda ay leeyihiina in cid ku gafi kartaa ma jirto, Madaxdii beritoole weeye, Guurtidii beritoole weeye, Wasiiraddii beritoole weeye, in la tababaro oo Dawladnimada lagu tababaro ayey mudan yihiin, laakiin in la yidhaahdo maxaad Ururo u sameeysan looma baahna, waxaana ugu baaqaya Hay’adaha Garsoorka inay sida ugu dhakhsaha badan u sii dayaan”.

 

Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Xasan (Indho-Indho), ayaa mar uu ka hadlaayey in beeshiisa aan dawladda laga siin saami ku filan ayaa yidhi “Gobolada Barri Boorama ayey ku diideen Madaxweyne ku xigeenka, dadka aan ogeyn ee aan Boorama joogin ayaa waxaas ka sheekaya, reer Sool Boorama ayey Madaxweyne ku xigeenka ku diideen, oo ay yidhaahdeen Barlamaanka ayaanu qaadanaynaa, kursi ay leeyihiin haddii la doonayo Kursiga Barlamaanka iyo Maxkamada ayey leeyihiin, inay doontan waa waajib in la siiyana xaq ayey u leeyihiin,waxay Boorama ku diideen saaka ayey doonayaan khalad ayaan u arkaa”. Mar waxa laga weydiiyey Xildhibaan Indho Indho sida uu arko tanaasulka la sheegay inuu Madaxweynuhu ka tanaasulayo Musharaxnimada Madaxweyne ee Doorashada soo socta ayaa yidhi “Anigu maan maqal inuu Madaxweynuhu is casilayo, Madaxweyne is casilayaana wax hawl yar maaha, tanaasulka laftiisuna waa is casilaad, haddu is casilayana Golayaasha ayuu u soo gudbiya, ilaa hadana wax anaga na soo gaadhay ma jiro”.

Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Xasan (Indho-Indho),mar uu ka hadlaayey Cali Khaliif Galaydh waxa uu yidhi “Cali Khaliif Nabad haddii uu doonayo uu heli, Colaad haddii uu doonayana uu heli, labadaba waanu haynaa ku doonayana uu qaadanaya, isaga ayeyna ku xidhan tahay inuu kala doorto”.

Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Xasan (Indho-Indho), ayaa mar uu baaq u ku waajahan cadaalado daro ka dhan ah beeshiisa uu u diraayey Ingiriiska iyo Maraykanka yidhi “Ingiriiska anaga ayaa u baaqayna oo leh kaalay Iidoorka na dhex gal, oo xuquuqda uu Cali Khaliif doonayo mid labadeed leeg ayaan anigu doonayo, noocana dawlad lagu ahaan maayo, xaq ayaanu Cali Khaliif u leeyahay haddii uu Ingiriiska galay, oo uu yidhi Somaliland na wada hadashii, anagayga halkan jooga ayaa leh Ingiriis iyo Mareykanoow iskugu kaalaya oo xuquuqdii aanu Somaliland ku lahayn naga siiya, dalkan ayaanu wax ku leenahay ee gogol noo dhiga ayaanu leenahay, haddii Cali Khaliif Ingiriis iyo Maraykan soo kaxaynayaana anaga ayaa soo dhawaynayna, oo ku jecel kuna rabna”

 

WAJAALENEWS DESK

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS