“Waxaan Ugu Baaqayaa Dhalinyarada Somaliland Inay Qabayaalada Ka Xoroobaan” Guddoomiye Axmed Shaqalle | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Waxaan Ugu Baaqayaa Dhalinyarada Somaliland Inay Qabayaalada Ka Xoroobaan” Guddoomiye Axmed Shaqalle
October 12, 2014 - Written by Editor:

Guddoomiyaha ururka horumarinta iyo cilmi Somaliland ee SODRA Axmed

Maxamed Shaqalle ayaa dhalinyarada ugu baaqay inay ka hor tagaan

10653605_942924092391010_204131788877616796_n

Qabyaalada, isla markaana ka shaqeeyaan horumarinta wadanka.

Guddoomiyaha oo shalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa

waxa uu wax laga yakh yakhsoodo ku tilmaamay shir beeleed dhalinyaro

sheegtay inay Cadaadley ku qabanayaan, isaga oo sheegay inaanay

haboonayn inay dhalinyaradu dalka dib u celiyaan labaatan sano.

Guddoomiye shaqalle oo ugu horeyn ka hadlaya wax qabadka ururka SODRA

ayaa waxa uu yidhi “Waxaan doonayaa inaan ka hadlo laba qodob oo kala

ah wax qabadka Ururka aan guddoomiyaha ka ahay ee SODRA afartii sano

ee uu jiray iyo iska xoraynta dhalinyarada ee dhibaatooyinka qaar

haysta iyaga oo xaga wanaagsan ka eegaya oo ay ka mid yihiin

qabyaalada, balwadaha iyo tahriibku.

Wax qabadka ururka haddii aan ku horeeyo ururka SODRA waxa uu u taagan

yahay horumarinta iyo cilmi baadhista lagu samaynayo caqabadaha qaar

haysta bulshada Somaliland, sida magaciisa ka muuqata waxa uu ka

kooban yahay laba qaybood oo waaweyn, waxaanay waaxda koowaad tahay

horumarin iyo waaxda labaad oo ah cilmi baadhis, waxaanu ku dedaalaa

horumarinta bulshadiisa qaybaheeda kala duwan, isaga oo isku daya

wixii horumara sida inuu u keeno fursado ka duwan fursadihii hore ee

ay bulshadu heli jirtay ta ugu weyn ee aanu ku guulaysanay marka aanu

xaga horumarka ka shaqaynaynay waxa weeyaan sanadkii 2012-kii bishii

sagaalaad ayaa waxa aanu keenay fikir ah fursad siinta ardeyda qaar

jaamacadaha galahaysa laga taageerayo dhinaca waxbarashada, isaga oo

kaashanaya qurbojooga Somaliland ee qaaradaha Ameerika iyo Yurub,

iyada oo aan uga mahad naqayo sida fiican ee ay uga qayb qaataan iyo

jaamacadaha wadanka ku yaala gaar ahaan Hargeysa oo iska kaashaday in

ardey dhan laba boqol iyo todoba ardey ka bixiyaan Fiiga boqolkiiba

afartan, taasi oo dhiirigalinaysa wiilkii ama gabadhii dhalinyarada

ahaa ee aanay waalidkoodu awoodayn inay Jaamacadaha galaan”.

Guddoomiyaha SODRA oo sharaxaya sababta ay u aas aaseen ururka ayaa

waxa uu yidhi “Ujeedada aanu ururka u aas aasnay waxa ay ahayd aanu

dhalinyarada tusno in ururku u aas aasan yahay horumarinta Somaliland

kana midho dhalinayo taasi oo aanu ku boorinayno inay ururada kale ee

ujeedadii loo aas aasay ka baydhay ay ku soo noqdaan ujeedada ay u aas

aasan yihiin, isla markaana ururada bulshada iyo horumarinta dalka ka

shaqeeyaa ay shaqayn karaan iyaga oo aan Hay’ad shaqadooda u

curyaamin”.

Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi “Waddan kasta waxa

laga eegaa sida uu horumarkiiisu yahay kolba dhalinyarada dalku halka

ay taagan tahay, maanta waan ku faanayaa in dhalinyarada Somaliland

horumar balaadhan sameeyeen, waxaan u mahad naqayaa xukuumadda

Somaliland ee uu hogaamiyo madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud

(Siillaanyo), waxaan ku faraxsanahay is bedelkii aanu hormuudka u

ahayn inaanu ka faa’iidaysanay, Nabiguna (NNKH), xadiis waxa uu ku

yidhi “Qofka aan dadka u mahad naqina ILAAHEY-na (SW), uma mahad naqo,

waxa aan ku faraxsanahay in aan ahay dhalinyarta ka faa’iidaysatay

fursada ay siisay xukuumaddu dhalinyarada”.

Guddoomiyaha SODRA, Axmed Maxamed Shaqalle oo dhalinyaradda Somaliland

dar daaran siinaya ayaa waxa uu yidhi “Dhalinyarada Somaliland waxa

aan jecelahay in aan dar daaran kooban siiyo sida aan naftayda ula

jecelahay horumarka ayaan naftiina ula jecelahay horumarka, waxaanan

idiin sheegayaa maanta haddii aynu ka xorowno sadex cudur oo aad

inoogu badan inaynu la tartami karno dhalinyarada kale ee dunida,

maanta sadexda cudur ee aadka inoogu badan haddii aynu nahay

dhalinyarada reer Somaliland waxa kow ka ah qabyaalada waana cudurka

ugu weyn ee dhalinyarada haysta aniga oo taa qabyaalada dul istaagaya

ayuu abwaankii qiimaha badnaa ee Abwaan C/laahi Suldaan Timacadde,

waxa uu yidhi Dugsi ma leh qabyaaladi waxa ay dumiso mooyaane, waxaan

ugu baaqayaa dhalinyarada Somaliland inay qabayaalada ka xoroobaan,

waxaanan maalmahan ugu dambeeyey maqalayay dhalinyaro badan oo reer

Somaliland ah oo magaca dhalinayrada Somaliland intay sheegtaan ku

baaqayey shir beeleed aadban runtii uga xumahay, waxa is weydiin mudan

oo qof kastaa is weydiinayaa dhalinyaradaa ururisay xoolaha ee tidhi

waxaanu qabanaynaa shir dhalinyarada Somaliland ah yaa u dirsaday

inay shirka qabtaan anigu waxaan ka mid ahay dhalinyarada Somaliland

afkayga kuma hadli karaan laakiin waxa ay ku hadli karaan af ay

leeyihiin, markaa dhalinyarada Somaliland iyaga oo cidi u dirsan iyaga

oo ogolaansho haysan, iyaga oo aan la ogayn ajanadaha lagaga hadlayo

inay magicii dhalinyarta sheegtaan aadbaan uga xumahay, waxaan kula

dar daarmayaa inay dariiqa saxda ah ku soo noqdaan oo inaga daaya

qabyaalada iyo dib u noqoshada, inaad wadankiina wax u qabataan waan

jecelahay, laakiin wixii aynu ka soo gudubnay labaatan sano inaad dib

inoogu celisaan oo shir beeleed baan qabanaynaa tidhaahdaan waa wax

aad looga yakh yakhsoodo, waxaan ugu baqayaa nin kasta oo muwaadin ah

oo dhalinyaro ah oo qiime iyo wadaniyad leh oo dadkiisa iyo dalkiisa

doonaya inuu wax u qabto fadlan ka hor taga cudurka qabyaalada”.

 

COMMENTS
LINKS