Wasiirka Arimaha Gudaha Cali Warancade oo Sheegay In Aanay Fashilmi Diwaangalinta Madaniga ahayd. Sheegayna In Dhawaan Tababar loo Bilaabayo Ciidanka Shidaal Ilaalinta | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiirka Arimaha Gudaha Cali Warancade oo Sheegay In Aanay Fashilmi Diwaangalinta Madaniga ahayd. Sheegayna In Dhawaan Tababar loo Bilaabayo Ciidanka Shidaal Ilaalinta
October 9, 2014 - Written by Editor:

HARGEISA(Wajaalenews);Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha somaliland Cali Maxamed Waran Cade ayaa maanta dalka dib Ugu Soo laabta Ka dib Markii uu soo dhamaystay Safar uu ugu Baxay Dalka Dibadiisa.

Waxa uu jawaab ka bixiyay warar sheegayay in ay Fadhiistay Qalabki Diwaan Galinta Madaniga ah,waxaana arinkaas ku tilmaamay Mid Beer abuur ah.

Sidoo kale waxa uu cadeeyey in ay Dhawaan Tababari Doonaan Ciidanka ilaalinaya Shirkadaha Baadhaya Shidaalka,Waxaana uu sheegay in Laga soo dhex Xuli Doono Ciidankaas Askarta somaliland.

Cali Waran Cade waxa uu sheegay in ay Hir gashay Diwaan Galintii Madaniga ahayd,waxaana uu intaasi Raaciyay Qofka Laga waayo Ee Aan qaadan Kaadhka Dhalashada somaliland inaanu Usoo bixi doono Suuq-yada magaalada hargaysa waxaana uu yidhi”

“Waxa yaala qalab Hadii ay Xumadaan Qalabkan Diwaan Galintu Lagu Badalayo,Mana Filayo in ay Jiraan qalab Fadhiistay,Hadii ay Jiraan Maan maqal,Waxaanan U malaynayaa uun In ay tahay Dacaayada Meelahaas laga soo Dhoob Dhoobay,Way Hir Gashay waana Ay soconaysaa Dhamaadka Bishan Aakhirkeedana Waa lasoo saari doonaa Magaalada hargasya Qofka aan Haysan Kaadhka dhalashada somaliland.

Cali waran cade wasiirka arimaha gudaha somaliland waxa uu intaasi raaciyay”Waanu Ku adkayn Doonaa Qof aan haysan kaadhka dhalashada somaliland inuu xawaalada somaliland lacag ka qaato,Qofkii aan haysan Kaadhka dhalashada gaadhi ma wadi Karo waana laga qaadayaa,Gadhwayn oo aanu samaynayna waanu dhigi doonaa Gawaadida,Markaas Qofkasta waxaan leeyahay intaanu Wiigani kaa dhicin qaata kaadhka dhalashad somaliland.

Dhinaca kale waxa uu digniin U diray Wasiirka arimaha gudaha somaliland Qofka qaatay Kaadhka dhalashada somaliland laba jeer in Talaabo laga qaadi Doono Kaas oo xabsigana la dhigo Doono waxaana uu yidhi”

“Qofka isku Daya inuu qaato kaadhka dhalashada somaliland Dhawr Jeer Waxa soo saaraya marka lagu baadho Xog Uruuriyaha Kombiyuutarka,Waxaana laga qaadi Doonaa Talaabo sharaciga waafaqsan waxaana la hor gayn Doonaa Sharciga,Waxaana loo sameeyey Meel lagu xidho,Markaas Qofkii Galay hal Mar ayuunbaa kaadhka lasiin Doonaa,Dhakhsana waa Loo siinayaa Shacabka Hargaysa.

Sidoo kale waxa uu cali waran cade wasiirka Arimaha Gudaha somaliland ka waramay Safara uu ku Tagay Dalka Dibadiisa kaas oo Uu In Mudo ah Ugu Ku Maqnaa”

“Somaliland Waxa Ay dhawaan ku biiri Doontaa dalalka Leh Shidaalka,Waxaanan ku guulaysanay Cadawgii somaliland ee Muqdisho ee doonayay inaan somaliland shidaal loo soo saarin,Waxa Maalin Dhaw La Tababari Doonaa Ciidanka Loo Yaqaan OPU Oo u gaar ah ilaalinta Shidaalka somaliland.

Waxaan leeyahay Rag aan garan waayay waxa ay yihiin Hadalka ay leeyihiin Dhag loo Dhigi Maayo Ayaan odhan lahaa,Waxa Xukuumadana la gudboon,In ay Shacabkeeda somaliland U Soo Saarto Khayraadka Dabiiciga ah.

 

WAJAALENEWS DESK

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

 

COMMENTS
LINKS