|
|||||
WAJAALE NEWS
Wasiir Xirsi Oo Si Kulul Uga Jawaabay Dhaliilo Laga Baahiyey
October 9, 2014 - Written by Editor:Hargeysa(Wajaalennews) Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali X.Xasan, ayaa warbaahinta qaarkeed oo Maalmihii u dambeeyay warar Musuqmaasuq ku salaysan ka baahiyey Wasiir Xirsi ku tilmaamay dayday qalin. “Xoriyada Saxaafadu Maaha ku Xad-gudubka Xurmada Qofka iyo Sheegida War aan Sal iyo Raad lahayn!” ayuu Qoraal uu arintaasi kaga hadlay ku yidhi Mr Xirsi “Waxaan la yaabay markaan akhriyey maqaalka ay ku sheegeen in aan 180,000 oo lacagta Pound-ka ah aan ugu deeqay ganacsade London Hotel ku leh oo ganacsigii ka xidhmayey waa siday hadalka u dhigeene! Sidoo kalena ay dhaliil iyo lacag lumin ku tilmaameen in aan Arday Qalinjabisay wada qaadanay kulamo aan uga dan lahaa dhiirigelin, Guubaabin, duco iyo la farxad qaybsi! Si xun Wax u Sheeg sixir ka darane, waxaan qalinka u qaatay in aan si buuxda u beeniyo warkaas awalba beenta ahaa!” ayuu Wasiir hadalkiisa ku daray “Ujeedadaydu maaha oo kaliya in aan maqaalkaas ka dareen celiyo oo aan beeniyo balse waxaan uuga dan leeyahay marka dambe ee ay damcaan in ay war qoraan in ay bartaan qaabka war qorida oo ay soo waraystaan dhinaca kalena, waa hadii ay dhawrayaan akhlaaqiyaadka war qorida “Ethics” balse aanay noqon dayday qalin! Waxaynu ognahay marka aad doonayso in aad qof wax ka qorto wuxuu qofku xaq u leeyahay in aad waydiiso in uu warkaas iska difaaco iyo in uu qaato, balse aanay ahayn in aad qofka maskaxdaada oo keliya ku qiimayso. Anigu naftayda waligay uma damqan oo qoraalka qalinka qaldan ima niyad jabiyo balse waxaa I damqaysa in Ganacsatada halkii looga ducayn lahaa waa la caawiyey cay laga dhigo iyadoo aanay dhicinba sidoo kalena la farxida Aqoonyahanka dalka u soo qalinjabiyey laga dayriyo! Waxaan u hambalyeynayaa Saxaafadda kala duwan ee ka hawlgasha dalkeena Somaliland oo in badan oo kamida u dhaqmaan si xirfad badan ka muuqato inta kalena waxaan rajaynayaa in ay xoriyada badan ee dalkeenu siiyay aanay si qaldan u isticmaalin. Dhamaan Ganacsatada kala duwan ee dalka iyo dibediisaba ku nool waxaan u rajaynayaa in Alle u Barakeeyo Ganacsigooda isla markaana kobciyo.” COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|