War Deg Dega; Xildhibaan Rayte Gacan Saaray Muuse Biixi Iyo Khasaaraha Ka Dhashay;DAAWO SAWIRO | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
War Deg Dega; Xildhibaan Rayte Gacan Saaray Muuse Biixi Iyo Khasaaraha Ka Dhashay;DAAWO SAWIRO
October 16, 2014 - Written by Editor:

HARGEISA(Wajaalenews) Muran dhexmaray Xildhibaan Rayte Oo katirsan golaha Wakiilada Ayaa waxa uu gacani dhexmartay iyagoo ku muransan maanta oo ay xukuumadu hor istaagtay xuska shuhadada SNM oo ay soo qaban qaabisay muj Sahra Halgan Laguna Qaban lahaa huteel hido dhowr oo ay leedahay sahra Halgan

jpj dagaalkii muuse bixi iyo xildhibaan rayte

 

Dagaal ka ayaa ku dhexmaray huteelka Lake Assal ee magaalada Hargaysa dib markii uu dood adagi dhexmartay Muuse Biixi ku Yidhi Ereyo cay ah iyo aflagaado isku jira Ereyadaa ayaa Waxaa Gacanka hadal kaga jawaabay xildhibaan Rayte kadib koob meesha yaalay ku tuuray muuse biixi koobkaa ayaa wuxu ka haleelay dhinaca isagoon u gaysan wax nabara oo muuqda

Muuse biixi ayaa isagu wuxu ergo ka ahaa xukuumada siilaanyo iyadu saaka joojisay xuska shuhaadada SNM

Xubno kamida hadhaagii SNM oo ay kamid yihiin Muj Dhagawaye Muj maxamed xaashi, Muj Cali Guray Muj Xasan Guure ayaa iyagu qorshaynayay in ay huteel lake assal ku qabtaan jawaabna ay kabixinayaan falka ay xukuumada ku hor Istaagtay Qabashada Maalinta loo asteeyay shuhaadada SNM oo ku beegan 17/10/2014 oo jimcaha laga soo horaysiisay .

MURANKA AYAA WALI LAHUBIN HALKA UU BIYO DHIGAN DOONO.

 

WIXII KASOO KORDHA KALA SOCO WAJAALENEWS

 

COMMENTS
LINKS