|
|||||
WAJAALE NEWS
War Deg Deg Ah:Boko Xaraam oo qabsatay magaalo cusub.
October 30, 2014 - Written by Wariye:Dagaalyahanada kooxda Boko Xaraam ayaa lagu soo waramayaa in ay la wareegeen gacan ku haynta magaalada Mubi ee woqooyi bari dalka Nigeria kaddib dagaal ay la galeen ciidamada dowladda. Kumanaan qof oo rayid ah ayaa ka qaxay magaalada. Dad deggan magaalada ayaa BBC-da u sheegay in Boko Xaraam ay calankeeda ka taagtay gudaha magaalada isla markaana ay xirtay waddooyinka. Xilli sii horreeyayna, waxaa jiray warar sheegayay dhawaqa hubka culus oo halkaasi laga maqlayay iyo diyaaradaha dagaalka oo magaalada dul heebaabayay. Magaalada Mubi ayaa ah magaalo ganacsi isla markaana ah magaalada labaad ee ugu weyn gobolka Adamawa. Dowladda Nigeria ayaa horraantii bishaan sheegtay in ay xabad joojin la gaartay kooxda Boko Xaraam, xabad joojintaasi oo la doonaya in ay horseedo siideynta in kabadan 200 oo gabdhood oo u afduuban kooxdani Boko Xaraam. Related posts:Raysal Wasaare Abiy Oo Xilalkii Ka Qaaday Wasiirkii Arimaha Dibada Iyo Taliyayaashii Milatariga Iyo... Halkan Ka Daawo Wasirka Ganacsiga Iyo Maalgshiga Somaliland Oo Ka Hadlay Shir Uu Kaga Qayb Galay Dal... DAAWO;-Madax-dhaqameedka Beesha Habar Awal Oo Mawqif Adag Ka Istaagay faro Galin Madaxwayne Biixi Ku... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|