War Deg-Deg Ah : Wariyihii Telefishanka Horn Cable Tv Ee Gabiley Oo Xabsiga Loo Taxaabay Iyo Sababta Xadhigiisa Oo Daarnayd War Uu Ka Sii Daayay Xisbiga Talada Haya Ee Kulmiye . | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
War Deg-Deg Ah : Wariyihii Telefishanka Horn Cable Tv Ee Gabiley Oo Xabsiga Loo Taxaabay Iyo Sababta Xadhigiisa Oo Daarnayd War Uu Ka Sii Daayay Xisbiga Talada Haya Ee Kulmiye .
October 30, 2014 - Written by Editor:

Gabiley -(Wajaalenews)- Wariyihii Telefishanka Horn Cable Tv Ee Gobolka Gabiley Mukhtaar Nuux Ibraahim Ayaa Caawa Xabsiga Loo Taxaabay Kadib Markii Uu Maanta Telefishanka Horn Cable Tv KA Sii Daayay War Aan Xaqiiqadiisu Raali Galin Xukuumada Somaliland Ee Uu Hogaaminayo Axmed Siilanyo Iyo Xisbul Xaakimkiisa Kulmiye .

 

Xafladaasi Oo Ay Maamulka Gobolka Iyo Ka Degmada Gabiley Ay Taageero radooda kusoo ban dhigayeenXisbiga Talada Haya Ee Kulmiye Xili xusbiyada mucaaridku gabiiley ku qabten xaflado .

Xadhiga Wariye Mukhtaar Nuux Ibraahim Ayaa Ka Danbeeyay Sii Daynta Wark uu ku shegay in dhalinyaro gubtay calanka xusbiga kulmye  K , Dhanka Kale Badhasaabka Gobolka Gabiley Oo Aanu Khadka Telefoonka Kula Xidhiidhnay Ayaan Noo Cadeeyay In Ay Wariyaha Ay Ku Xidheen Dacwayd Uu Ka Soo Gudbiyay Gudoomiyaha Xisbiga Talada Haya Ee Kulmiye Gobolka Gabiley , Sheegayna In Ay La Tiigsan Doonaan Maxkamada Sharciga Ah .

Isku Soo Wada Duuboo Dawladan Uu Hogaaminayo Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo Ayaa Caadaysatay Cabudhinta Saxaafada Iyada Oo Aan U Aabo Yeelin Xoriyatul Qawlka .

Halkan Ka Daawo Warkii Xabsiga Loogu Taxaabay .

Cabdiraxmaan Aadan Muxumed 
Gabiley Office

COMMENTS
LINKS