War Deg Deg Ah Dooxa Dacarbudhuq Oo Qaaday Gaadhigi iyo Dadkii Saarnaa | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
War Deg Deg Ah Dooxa Dacarbudhuq Oo Qaaday Gaadhigi iyo Dadkii Saarnaa
October 8, 2014 - Written by Editor:

Hargeisa(Wajaalenews) Wararka aanu ka helayno degmada laasgeel ee Dacar buqudh ayaa sheegaya in ilaa manta  1:00 duhur nimo  uu soconaayo Dooxi waynaa ee ku yaalay degmaas laas geel  warkii ugu danbeeyay ee naga soo gaadhay 3:00 Galabnimo ayaa sheegay in Dooxu Qaaday gaadhi laangaruus ah oo ka yimi dhica hargaysa oo ay saarnayeen laba nin .labaas nin mid ka mid ah oo aan ilaa wali la aqoonsan magaciiisa ayaa daadku la tegay halka kiikalena la badbaadiyay .

Waxa sidaa noo xaqiijiyay qof goob jooga ah oo ka mid ah dadka daadku xanibay oo la hadlay Wajaalenews
Arintan ayaa waxay meesha ka saaraysa Kaantaroolada dhalan teedka ah ee hayada wadooyinku dhigtay degaanada dooxyadu maraan ee u dhexeya hargaysa iyo berbera .in kastoo shilku yahay mid xaga alle ka qoran . Waxa xusid mudan in hayada wadooyinka Somaliland ay ku  hawlan tahay wadooyin aan dhib badan qaran somalailand  ku haynin kuwa dhibta joogtada keenan iska indho tirto

Wixii war ah ee ka soo kordha daadkaas wax aanu idiinku soo gudbin doona wararka danbe

 

COMMENTS
LINKS