Wafti u Hogaaminayo Musharaxa Madaxwayne Ee Xusbiga Ucid Oo Socdaal ku Tagaya Magaalada Togwajaale Iyo Taageerayaal Ka Tirsanaa Kulmiye Oo Kusoo Biiraya. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wafti u Hogaaminayo Musharaxa Madaxwayne Ee Xusbiga Ucid Oo Socdaal ku Tagaya Magaalada Togwajaale Iyo Taageerayaal Ka Tirsanaa Kulmiye Oo Kusoo Biiraya.
October 24, 2014 - Written by Editor:

Togwajaale(Wajaalenews) Wafti balaadhan oo uu hogaaminayo Musharaxa madaxwayne ee xusbiga ucid Aqoonyahan Jamaal Cali Xusen ayaa lafilyaa maalinta bari ah in ay socdaal ku tagaan magaalo ganacsiyeeda togwajaale ee gobolkga gabiley

Xusbiga ucid ayaa maalmihii udanbaysay gobolada somaliland Ka waday olole balaadhan kaasi oo ay safaro kula bixiyeen guud Ahaan gobolada somaliland iyagoo kala kulmay soo dhawayn Balaadhan iyo taagerayaal horleh oo kusoo biiray xusbiga ucid

Waftiga ayaa sida wararku tibaaxayaan ujeedadiisu tahay sidii ay usoo dhawayn lahaayeen tageerayaal kasoo diga roganaya xusbulxaakimka kulmiye

Tageerayaashan ayaa iskugu jira dhalinyaro haween ,ganacsato Kuwaasi oo dhamaan ka qaybaha bulshada reer togwajaale oo ah magaalo xiliyada qaar madaxwayne siilaanyo iyo xusbigiisa aad looga taageeri jiray

Dhaqdhaqaaqa musharaxa xusbiga ucid aqoon yahay jamaal cali xuseen ayaa mudooyinkan kasbaday qaybo kamida bulshada waynta gobolka gabiley oo lagu tilmaamo gobolka lagu garto isbadal soosocda iyo in hada ka horyimaadaan xukuumada kabaydha tubta saxda ah ee ay marka hore ku doorteen.

Magaalada Togwajaale ayaa laga dareemayaa u diyaar garowga soodhawaynta musharaxa xusbiga ucid

Wajaalenews desk

Togwajaale office

email;wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS