Wada-hadaladii Somaliland Iyo Soomaaliya oo La Filayo Inay Toddobaadka soo Socda ka Furmaya DUBAI | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wada-hadaladii Somaliland Iyo Soomaaliya oo La Filayo Inay Toddobaadka soo Socda ka Furmaya DUBAI
October 24, 2014 - Written by Editor:

Hargeysa(Wajaalenews )-Wada-hadaladii Somaliland iyo Soomaaliya, ayaa lagu wadaa inay badhtamaha Toddobaadka soo socda ka furmaan Magaalada Dubai ee dalka Isu-taga Imaaraadka Carabta, kaddib markii Dawladda Imaaraadku balan-qaaday inay marti-gelinayso wajiga shanaad ee wada-hadalada Somaliland iyo Soomaaliya.

Ma jiro war rasmiya oo arrintan ku saabsan oo ka soo baxay Dawladda Somaliland, hase-ahaatee sida ay xaqiijiyeen ilo-wareedyo diblomaasyaddeed oo Wargeyska Yool helay, waxa la filayaa in Isniinta fooda inagu soo haysa ay Magaalada Dubai gaadhaan xubnaha wefdiga Somaliland shirka uga qaybgeli doona.

Wararku waxay intaasi ku dareen in ergada Somaliland uga qayb gelaysa wada-hadalka uu hogaamin doono Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), kuna wehelin doonaan xubno uu ka mid yahay Wasiirka Arrimaha Dibada Md. Maxamed Biixi Yoonis.

Hase-ahaatee xoggaha la xidhiidha arrintani may xusin meeqaamka weftiga ka iman doona dhinaca Soomaaliya ee shirka ka qayb gelaya, inkasta oo heerka wada-hadalkani noqon karo mid Madaxweyneyaasha labada dal ka wada qayb-galaan markii labaad.

Shirarkii hore ee geedi-socodka Wada-hadalada Somaliland iyo Soomaaliya ayaa ka dhacay Dalalka Turkiga, Ingiriiska iyo Imaaraadka Carabta oo mar hore lagu kulmay Sanadkii la soo dhaafay.

Geesta kale, ma cadda sababta dawladda Imaraadku u soo ijaaratay marti-gelinta wada-hadaladan oo markii hore la filayey inuu ka dhaco dalka Turkiga, balse tibaaxo la xidhiidha arrintan ayaa sheegaya inay taasi ka dhalatay saluug dhinaca Turkig ka yimi oo aan wali si cad loo xaqiijin halka uu ku arrooro.

COMMENTS
LINKS