Tahriibayaasha oo la Ogaaday in Lagu Khasbo in ay Xubnahooda Jidhka Iibiyaan si ay Yurub ugu Galaan | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Tahriibayaasha oo la Ogaaday in Lagu Khasbo in ay Xubnahooda Jidhka Iibiyaan si ay Yurub ugu Galaan
October 17, 2014 - Written by Editor:

Hargeisa(Wajaalenews);Kooxo isugu jira Libiyaan iyo Eratariyaan, ayaa la ogaaday in dadka tahriibayaasha ah ay ka dalbadaan in ay bixiyaan lacag dhan €1,500 (Lacagta Yurub) si ay u racaan doonayaha dadka dusha al iska saaro
Talyaaniga oo ay ka dilaceen Maafiyaan kelayaha tahriibayaasha kala baxa amma addoonsi ahaan u iibgeeya, Xubno ka mid ah oo Maxkamad la soo taagay

tahriib 2

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Baadhitaanno heer caalami ah oo ay sameeyeen hay’ada dambi-baadhista Talyaaniga, ayaa lagu ogaaday in tahriibayaasha qasab lagaga dhigo in ay xubnahooda jidhka iibiyaan si ay Yurub ugu galaan.

Shan qof, ayaa xabsiga loo taxaabay kadib markii baadhitaankan lagu ogaaday kooxo budhcad ah oo diyaariya in ay ka ganacsadaan kelyaha iyo xubnaha dadka tahriibayaasha ah ee doonaya in ay doonyaha ku galaan Yurub.

Gobolka Koonfureed ee dalka Talyaaniga ee la yidhaa Lampedusa oo 80 mile oo kaliya u jira Afrika, isla markaana ah marinka dadka doonaya in ay Yurub galaan dariiqa u ah, kuwaasoo sannadkan 2014 ay tahriibn ku galeen 150,000 qof , kuwaasoo ku dhawaad 3000 qof ku geeriyoodeen in ay badda ku sii dhex jireen, noloshoodana ku wayeen intii ay is lahaayeen nolol fiican fiican raadsada.

Kooxo isugu jira Libiyaan  iyo Eratariyaan, ayaa la ogaaday in dadka tahriibayaasha ah ay ka dalbadaan in ay bixiyaan lacag dhan €1,500 (Lacagta Yurub) si ay u racaan doonayaha dadka dusha al iska saaro ee aan awoodda u lahayn in ay safar noocaas ah galaan.

Haddaba, dadka bixin kari waaya  lacagtaas waxa la siiyaa in marka kadib marka ay tahriibkooda ku guulaystaan bixiyaan xubnahooda sida lagu soo bandhigay caddaymo maxkamad Talyaaniga ah la keenay sida uu daabacay wargeyska Corriere della Sera.

Sidoo kale, waxa eedaymaha maxkamada la keenay ku jira in marka dadkaas ay cago dhigtaan dalka Talyaaniga kooxo budhcad amma mafiyaan ah oo kaga horreeya ayaa tahriibayaasha u isticmaala sida adoonta amma xubnaha kala baxa.

“Xaalada tahriibayaashu waa sida adoonsigii oo klae oo ay dad mafiyaan ah ku qasbaan in ay xubnahooda iibsadaan amma naftoodaba,” ayuu qoraalkiisa ku qoray baadhe sare oo la yidhaa Tiziana Coccoluto.

Dadka la xidhay oo uu ugu horreeyo nin la yidhaa Michael Brhane oo ah xisaabiyada guud ee kooxdan, kuwaasoo ay kula jiraan afar nin oo kale oo la kala yidhaa Haile Seifu, Russom Gebrem Michael Henor iyo Tesfay Bahta oo iyagu lacagta u ururiya kooxdan Talyaaniga ah ee falkan loo haysto.

Ciidammada bilaysku waxay sidoo kale ka shakisan yihiin in xubnahan gangistarada ah ka masuul yihiin masiibadii ka dhacday jasiirada Lampedusa sannadkii hore ee lagu dilay 300 qof bishii October 3, 2013, waxaana caddaymaha la hayaa tilmaamayaan in xubnaha hormood ka yihiin ganacsi caalami ah oo laga furay iib-geynta xubnaha bani’aadamka.

Maydad badan oo la helay ayaa la ogaaday in lagala baxay xubnaha, gaar ahaan qaar laga helay koonfurta Saxaraha Afrika ee la yidhaa Sinai sida ay xaqiijiyeen xubno u dooda la dagaalanka ka ganacsiga bani’aadamka.

Sannadkii hore waxa ciidammada Talyaanigu ganacta ku dhigeen mid ka mid ah dadka loogu daydayga badan yahay caalamka ee xubnaha bani’aadamka ka ganacsada oo u dhashay Isriil, kaasoo al yidhaa Gedalya Tauber, ahaana sarkaal bilays ah oo hawlgab noqda

 

 

WAJAALENEWS DESK

COMMENTS
LINKS