Tababar lagu baranayo sida looga hortago walxaha qarxa oo lagu soo gabagabeeyey xerada ifo. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Tababar lagu baranayo sida looga hortago walxaha qarxa oo lagu soo gabagabeeyey xerada ifo.
October 29, 2014 - Written by Editor:

KENYA(Wajaalenews) Haayadda qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha qoxootiga ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaaqaano UNHCR iyadoo garabka helaysa dowladaha somaliya ,Kenya iyo qaar kamid ah haaydaha samafalka ayaa waxa ay si buuxda u bilawday dadaalo ay ku dardargalinayso dib u laabashada qoxootiga soomaaliyeed ee in kabadan 22 sano ku dhaqnaa xeerooyinkani.

Xerada ifo oo ka mid ah xerooyinka dhadhaab ayaa waxa ay haayadda NRC tababar ugu soo xirtay ku dhaawaad 100 qoys kuwaasoo labaray sidii ay uga taxadari lahaayeen walxaha qarxa isla markaana ay u badbaadin lahaayeen naftooda.

Ciise xasan maxamed waa sarkaaal katirsan haayadda NRC oo ahayd haayaddi taabagalisay tababarkani,waa kan isaga oo ka hadlaya sababaha keenay tababarkani iyo waxa ay bulshadu ka faa’iidayaan,

Geesta kale waxaan lakulmay qaar kamid ah qoysaskii ka qaybqaatay tababarkani waa kuwan yaga oo ka hadlaya waxa ay ka barteen tababarkani maadaama ay iyagu si iskood ah u go’aansadeen inay dib ugu noqdaan dalkoodii hooyo.

Tababarkan ayaa ku soo beegmaya xilli soomaali badan oo ku nool xeryaha ay diyaar u yihiin in uguryo noqdaan dalkoodii.

 

Nariobi office

wajaalenews desk

wariye cabdisamed cali xalane

 

 

COMMENTS
LINKS