Shaqo la’aanta Maxaa keenay?Qalinkii Cabdirisaaq Cali Warsame ( Chicago) | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Shaqo la’aanta Maxaa keenay?Qalinkii Cabdirisaaq Cali Warsame ( Chicago)
October 8, 2014 - Written by Editor:

Waddan waxa horumariya waa dadkiisa aqoonta, xirfada, iyo kartida leh waddana waddan waxa uu ku horumara waa dadkisa aqoonta, xirfada iyo kartida shaqo leh (Human Resources), taariikhdana hadad dib uraacdo xadaaradihii kala duwana ee dunida soo maray waxa hogaaminayay shakhsiyaad aqoon iyo karti badan leh,kasoo bilow asxaabtii Nabi Maxamed(N.N.K.H) waxay ahayeen koox si qayrul caadiya utababaran kanasoo baxay madarasadii Nabi Mohamed (SCW), fahamsanaa xidhiidhka ka dhexeeya diinta iyo nolosha iyo inay diinta islaamku tahay nidaam isku dhamaystiran oo bani aadamku ku horumarayo hadii uu sida ay tahay uqaato, taasina waxay keentay inay mudo yar gudahood dunida oo dhan ka taliyaan, Sida si lamida waxa ahaa xadaaradihii kala danbeeyay ee Andalus, Rome iyo USA.

CABDI RASAAQ

Haddaba iyadooy siddaa tahay dalkeena maanta waxa ka taagan dhibaato shaqo la,aaneed oo ragaadisay hammigga dhallinyaro badan oo jamacadaha kasoo baxaysa sanad kasta, Sidaa laajigeed waxaynu kusoo qaaddan doonaa maqaalkan taxanaha ah mushkilladda shaqo la,aantu Maxay tahay? Maxaa keenay? Se maxaa ka dhallan kara? Sidee looga bixi karraa shaqo la,aanta? Inagoo midkasta si qoto dheer isu dul taagi doona.

 

QAYBTA 1AAD

Been ma aha hadaan ku idhaahdo camal la’aantu wa dhibaato dunida oo dhan kajirta oo wada saamaysay balse heerka shaqo la’aantu uun uu ku kala badanyahay wadamada dunida, bal aynu tusaale usoo qaadano qaar kamida wadamada caalamka iyo heerka ay ka marayso shaqo la,aantu

sanadkan aynu ku jirno ee 2014

Magaca wadanka Heerka shaqo la’aanta
USA
Masar
Kenya

 

Akhriste haddii aynu inyar dib ugu noqono kacdoonadii kadhacay wadammada carabta sanaddihii inasoo dhaafay afka qalaadna loo yaqaan (Arab spring,Arab uprising) kacdoonkii Carabta am gugii carabta, waxa ugu wayn ee uu ka kacay waxay ahayd shaqo la’aanta dhallinyarradda oo aad ugubadatay wadammadaas.

Haddaba marka- aad Somaliland darristo shaqo la’aantu waxay maraysaa heerkii ugu saraysay abid 75% taasoo ka dhigan in afar meeloodow saddex meelood dadka Somaliland ku nooli aannay wax shaqo ah hayn, nolol maalmeedkoodana aannay kafayn Karrin, taasoo keentay in dhallinyarraddii lafdhabarta wadanka ahayd ay hadhcad tahriibbaan oo ay mawjadaha badda iyo saxarraha ku lee’daan oo ay weheshaddaan gaajadda, haraadka iyo jidhdil ay ugaystaan calooshooda ushaqaysayaal lagu magacaabo “magafayaal”, dhinaca kale waallidkii soo tarbiyadeeyay ee kusoo tabcay ee sugayay inay nasiyaan ayaa marka lasoo sheego in inankoodi/inantoodi tahriibeen ay kunoqotaa naxdin iyo werwer taasoo mararka qaarna keenta caafimaad daro lasoo darista hooyada dhashay inankaasi/inantaasi tahriibtay.

Haddaba iyadooy xaalladu siddaa tahay ayaad arkaysaa in aan si hufan loogu hawlgalin sidii wax looga qabban lahaa shaqo la’aanta dhallinyarrada, balse layidhahdaa dhaqaallaheena yar oo waxba kama qaban karaynu, waxaynu nahay dal yar oo curdina oo aan la aqoonsanayn marka awood mallihin aan wax kaga qabano, laakin aan idin waydiiyee Taiwan miyaa la aqoonsan yahay?

Sinagapore miyaa la aqoonsan yahay? Jawaabtu waa maya haddana waxay dhisteen dhaqaale ay kula tartamayaan manta wadamada Europe arrintuna dhaqaale badan oo aad haysato iyo aqoonsi kuma xidhnee waxay ku xidhantahay sidaad wax u maamulato.

Hadaba waxa iswaydiin leh dhibaatadan shaqo la’aanta maxa keenay? Maxaa se wax looga qaban waayay? Maxay xukuummadu ay tallaabo cad uga qaadi wayday si loo yareeyo shaqo la’aanta dhallinyarada ullana imman wayday qorshe cad oo ku wajahan shaqo la’aanta dhalinyarada?

Walloow aynan halkan kusoo koobi Karrin sababaha keenay shaqo la,aanta hadana waxaan soo qaadan doonnaa dhowrkan qodob oo aan isleeyahay waa kuwa ugu muhiimsan.

  1. Nidaamka waxbarasho ee jaamacadaha wadanka oo aan inta badan ku salaysnayn baahida wadanka taala.

Tusaale ahaan akhriste wadammada horumaray waxa lasameeyaa waxa loo yaqaan qorshaynta shaqaale waynaha qaranka ama (National Human Resource Planning) taasoo lasoo saaro muxu shaqaale wadanku haystaa? Se maxa shaqaale loo baahanyahay sanadka soo socda? Imisa Dr? Imisa Eng? Immisa dhaqaaliyahan? Imisa xisaabiye? Imisa farsamo yaqaan? Iwm. Sidoo kale waxa la qiimeeyaa kuliyadaha uu wadanku ubaahanyahay ee fursado shaqo laga heli karo iyagoo marwalba qiimaynaya baahida shaqo ee wadanka taalaa maxay tahay? Se maxa wadanku ubaahanyahy? tusaale ahaan hadii uu wadanku xeeb ku yaalo waa in ardayda labaraa Marine Engineering ama xirfada kaluumaysiga aad loo xoojiyaa.

Dabeeto waxa lafaraa jamacadaha in ay soo saaraan tirada baahida aqoonyahan ee wadanka ka jirta. Laakiin Somaliland majiro nidaamkani lagu qiimeeyo maxa loo baahan yahay inay jaamacaduhu dhigaan? Maxay tahay baahida wadanka taalaa?

  1. Dadkena oo aan waxba soo saaran

85% waxyaabaha quutal daruuriga ee aan quudanaa waxay inooga yimadaan dibada tusaale ahaan waxaynu quudanaa bariis iyo basto mana beerano ee dibada ayay inooga yimaadaan , sanadkii 2012 ayay wasaaradeena beeruhu waxay kudhawaaqday in Wadankeena uu kabixi   karo Bariis, wadanka taasoo walibana la tijaabiyay oo lagu guulaystay hadana ilaa hada mahayno oo maynaan arag bariis Somaliland kabaxay oo suuqyada soo galay,maxa dhacay? Maxaynu ubeeran waynay? Maxay ganacsatada bariiska soo dejisaa ay Kan dalka laga beeray umaal gashan wayday? Tolow ma ka dibada laga keenaa ka aad beerato ka macaash badan? Jawaabtu waa maya ee kanaaba ka kharash yar ka cashuur yar gaadiid iyo socdaal dibadeena aanu ku baxayn.

Tolow hadaa muu ka tayo yaryahay? Maya ee sida ay sheegeen khubarada culuumta beeruhu shayga aad beerataa ka aad soo dhoofsato oo aad waxkaste ka filan karto, hadabaa maxaa khaldan ma waxaynu awodi waynay inaynu bariiska aynu cuno oo kaliya xitaa lasoo baxno?

 

Dhinaca kale bal ila eeg akhriste tirada ardayda iskuulada Jamhuuriyada Somaliland ee Hoose Dhexe iyo Dugsiyada sare waa 400,000 oo arday kuwaas oo sanad kaste ubaahan dirays ama balcad hadaba hadii halka dirays ee shaadh iyo surwaal yahay $18 waxaad ku dhufataa 400,000 waxay soo baxaysaa lacag dhan 7200,000 todoba milyan iyo laba boqol oo kun oo US dollar ah, waa lacagta sanadkii ardaydeena kaga baxda dirayska.

 

LASOCO QAYBAHA DANBE

 

COMMENTS
LINKS