Sahra Halgan oo Sheegtay in Wasaarada Arrimaha Guduhu Amar ku siisay in aanay Xusi Karin Shuhadadii SNM | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Sahra Halgan oo Sheegtay in Wasaarada Arrimaha Guduhu Amar ku siisay in aanay Xusi Karin Shuhadadii SNM
October 15, 2014 - Written by Editor:

Hargeysa, (Wajaalenews) – Fanaanada Caanka ah ee Sahra Axmed Maxamuud (Sahra Halgan) ayaa Sheegtay in wasaarada Arrimaha Guduhu u soo qortay warqad ay kaga joojinayso Xuska 30-Guurada Maalinta Shuhadada SNM oo ku beegan 17/10/2014-ka oo ay ku qaban lahayd Hutelkeeda Hiddo Dhawr ee Magaalada Hargeysa.

Sahra Halgan waxa ay intaa ku dartay in Warqad Caawa loo soo gudbiyey kuna Sexaaxan yahay Wasiir ku-xigeenka Amniga Cali Maxamed Cali uu ku amray in aanay qaban karin wax xus ah.

Fanaanada Sahra Halgan waxay Hoosta ka xariiqaday in Xuska ay qabanaysay uu ahaa mid iyada u gaar ah oo ay ku xusayso Mujaahidiintii SNM ee dalka u shihiiday ee ay ka mid ahayd, isla markaan xuska ay kala soo qaybgali karaan cid walba oo Somaliland ah iyo Mujaahidiintii SNM iyo Ururka Sooyaalba oo aanu Xusku ahayn mid siyaasadeed balse uu yahay mid ay ku xasuusanayaan Dadkii dalkan u dhintay.

Fanaanada Caanka ah ee Sahra Axmed Maxamuud (Sahra Halgan) oo ugu horeyn ka hadlaysa Xuska ay Qabanaysay waxaay Tidhi. “Muddo Soddon Sanno ka Dib waxan Nasiib u helay in aan hello Meel anigu aan leeyahay oo aan ku xuso Xuska Soddon Guuradii Mujaahidiintii u dhintay Xoreynta Jamhuuriyadda Somaliland, runtii waxan doonayaa in aan idiin xasuusiyo dadkii nabadan iyo Quruxdaa Somaliland keenay in ay ahaayeen SNM, Runtii waxaan Doonayey in aan Qabto xaflad ku saabsan Xuska Mujaahidiintii Dalka u Shihiiday taasi oo anigu aan isku xilsaaray in dadkii dhintay la Xuso, waayo Aniga waxa la yidhadaa Sahra Halgan magacaasi dhayal igumu bixin ee waxan kala soo dhexbaxay Qori Afkii, marka waxan Go’aansaday in Raggii Mujaahidiinta ahaa ee dalka u dhintay in aan Xuso. Hadaba iyada oo Taasi jirto ayaa waxa laykeenay Warqad oo laygu leeyahay Sahra Halgan warqaadani waxay kaga Timid Arrimaha Gudaha Qaybta Amniga, runtii Xuskan Qabanayey muu ahayn mid Siyaasadeed balse waxan Xusayey Mujaahidintii SNM ee aan wadda Garanayo ee aan Dhamacda iyo Rasaasta aan ku gurayey markii aan u heesayey, Xuskani wuxu ahaa mid u furan cid walba oo Reer Somaliland haddii ay Sooyal Noqoto iyo haddii cid kale noqoto.”Ayey Tidhi Sahra Halgan.

Sahra halgan waxa ay Goobtii Shirka Jaraa’id ku qabtay waxaay ka akhriday Qoraalka uga yimid Wasaarada Arrimaha gudaha uga yimid oo uu ku saxeexan yahay Wasiir Ku-xigeenka Amniga Wasaarada Arrimaha Gudaha Cali Maxamed Cali waxaanu u dhingaa Siddan. “Ujeedo Qabashada Xuska Shuhaadada Ururka SNM, sidaad ogtahayba waxan ku sheegayaa in xaflada Xuska Shuhaadada ururka SNM, in maamulkeeda iyo qabanqaabadeeda ay xaq u leeyihiin madaxda Xafiiska Sooyaal, Hadaba waxanu kula Socodsiinaynaa in Madaxda Xafiiska Sooyaal uu Xuska Shuhaadada SNM ku qabanayaan Maansoor Hotel, sidaasi darted waxanu kula socodsiinaynaa in aan Huteelkaga Hiddo Dhawr lagu qaban Karin waxa xaflad ah oo ku saabsan xuska Shuhaadada SNM.”

Sahra Halgan ayaa Sheegtay In Qoraalkaasi loo soo qoray ee lagaga Joojinayso Xuska ay u aragto Nasiib darro, waxayna tilmaamantay in ay xaq u leedahay in ay Xusto Mujaahidiintii SNM u soo Dhintay, waxayan sheegtay in ay Qabanayso Xuska SNM Maalinta Barri ah oo aanay cid uga habranayn.

Si kastaba ha ahaatee Wasaarada Arrimaha Gudaha ee amarkan joojinta xuska maalinta shuhadada SNM ee Sahra Halgan qabanaysay ayaa waxa wasiir ka ah Cali Warancade oo ka tirsanaa xubnihii ugu firfircoonaa saraakiishii NSS-ta ee dawladii Maxamed Siyaad Bare, kaas oo basaasi jiray jabhadii SNM ee Sahra halkan ka midka ahayd ee dagaalkii hubaysnaa kala hortagay Taliskaasi Axmaqa ahaa 1981-kii. halka uu dalkana madaxweyne ka yahay gudoomiyihii ugu mudada dheeraa ururkii xaq u dirirka SMM

 

WAJAALENEWS DESK

COMMENTS
LINKS