Reer Somaliland Dib Ha Ula Soo Noqdeen Dalkoodii. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Reer Somaliland Dib Ha Ula Soo Noqdeen Dalkoodii.
October 30, 2014 - Written by Wariye:

Maanta xukuummadda Somaliland ka jirtaa Distoorkii way ku tumatay waanay iska indho tirtay marka aad eegto arrimahan hoos ku qoran:

1991 Shirkii Burco ee gooni isu taagga Somaliland cid dibedda inakaga timid oo shir inoo qabatay ma jirin ee beelihii Somaliland deganaa ee wada laha ayaa isu tegay oo go’aansaday in dal Somalia ka madaxbanaan oo Somaliland la yidhaahdo oo loo siman yahay la samaysto.  Waxa xigtay in distoor dalka lagu maamulo oo si fiican u qeexaya awoodaha laamaha dowladda ee kala duwan la sameeyey.  Distoorkaasi wuxu si fiican oo aan mugdi ku jirin u qeexayaa muwaadinka Somaliland u dhashay  waxa uu xaq u leeyahay, wuxuuna sheegaya in aan cidina ku xad gudbi Karin.  Xukuumada kasta oo Somaliland ka jirtaana waa in ay u dhaqantaa sida Distoorka dalka dhigayo oo distoorkana la ixtiraamo.

Maanta xukuummadda Somaliland ka jirtaa Distoorkii

way ku tumatay waanay iska indho tirtay marka aad eegto arrimahan hoos ku qoran:

1.       Ansixin la’aanta diiwaan gelinta muwaadiniinta reer Somaliland.

2.       Ansixin la’aanta komishanka dooroshooyinka.

3.       Heshiisyada lala galay shirkadaha shidaalka iyo macdanta oo aan laga ansixin golahawakiiladda sida sharcigu qoraayo.

4.       Samaynta ciidanka shidaal ilaalinta (OPU) oo sharciga ka baxsan.

5.       Cabudhinta iyo xadhiga saxaafadda madaxa banana.

6.       Adeegsiga ciidanaka RRU-da oo si arxan darro ah maatada u gumaada.

7.       Isticmaalka hantida qaranka oo dad yari boobaan.

8.       Bixinta qandraasyada guud oo kooxo yar oo beelaysan uun la siiyo.

9.       Xadhiga billaa sharciga ah ee lagula kaco muwaadiniinta.

10.   Hor istaagidda xusidda maalinta Shuhadada SNM ee dagaalkii xoreynta Somaliland.

Waxa iyana beryahan danbe soo baxaysa in Mudanayaal ka tirsan golaha wakiiladda ee Xisbiga Kulmiye ee ka soo jeeda beesha Madaxweynaha ay Jananka ciidanka qaranak, Jen. Shaqalle ula tageen mushruucyo ah sidii jufooyinkkoda hoose ciidanka qaranka askar loogu dari lahaa.  tirada ugu badan iyo fikirkana waxa ka danbeeya Ra’iisul Wasaaraha.  Hadaba maanta waxa bilowday beelayntii ciidanka qaranka oo ku socda sidii Mareexaanayntii ciidankii Somalia ee 1980-yadii.  Ha la is weydiyoo ee maxa kelifaya ama ay beesha madaxwyenuhu ka baqaysaa oo ay u rabtaa in ay ciidanka qaranka awood iyo tiro badan ku yeelato? Mise qorshe kale ayaa socda oo waxbaa Somaliland loo maleegayaa.  Cabdillaahi Yuusuf Axmed, Madaxweynihii hore ee Puntland, ayaa laga hayaa “Somaliland meesha Siilaanyo maro ayey maraysaa”.  Waxaa cad in Cabdillaahi Yuusuf wax ogaa.  Hadaba reer Somaliland dareen gal, sida dhakhsaha badan ee aan laga fiirsan  ee xukuumadda Siilaanyo ugu booday wadahadaladii Somaliland – Somalia, Siilaanyo xaga uu u socdana maanta la faham ee Reer Somaliland ma daba socdaan.  Xaasha e waa maya.  Waxa cad oo run ah in beesha Habar Jeclo aanay shuraako kula ahayn madaxtooyada raga afduubay iyo mu’aamaradaha Somaliland loogu maleegaayo iyo boobka xoolihi qaranka lagu hayo.  Weynu wada ognayhay, horena waan u sheegay, sida ay xukuumadani u shaqayso iyo cidda maamusha labadaba.

Maxaad ka filaysaa marka qaar ka mid ah hoggaanka sare ee xukuumadda Silaanyo ay aduunka ku dhex mushaaxaan Basaaboodh  faalso ah (forgery Passport).  Halkaa waxa ku dhintay  anshixii iyo maamuuskii ay dowladi lahaan jirtay.  Waa sidaan hore u sheegaye waar dalka jirri ayaa ka talisa.

Madaxtooyaddii Somaliland halkii laga rabay inay noqoto meeshii aayaha, horumarka, dhaqaalaha, waxbarashada, caafimaadka iyo sugidda amaanka Somaliland lagu gorfeeyo  waxay noqotay sayladdii adhiga, oo habeen iyo maalin qandraasyo ayaa lagu kala dilaalayaa oo hadbba dhinac la isula yaacayaa.

Sida aan kor ku soo sheegay Somaliland waxa dhistay beelo isu yimid, marka waxaa imanaysa oo aan cidna lagala tashaneyn, mar haddii xukuumaddii loo igmaday in ay dalkan, Somaliland  iyo dadkan reer Somaliland, ay diiday in ay cadaalad ku maamusho, in beel kastaa dhulkeeda maamulato kana taliso inta la helaayo xukuumad cadaalad, sinaan iyo daacadnimo ku maamusha Somaliland.

Mujaahid Ibraahin Dhegaweynow waxaan ku leeyahay maanta Berbera oo qudhi xorayn uma baahna ee Somaliland oo dhan baa u baahan ee la soco.

Qorshaha Xasan Shiik iyo Dam Al-jadiid

1.       Marka Al-Shabaab laga guulaysto in loo soo jeesto arrimihii istaraatiijiga ahee ee midaynta Somalia.

2.       Dam Al-Jadiidka ku jira xukuumadda Somaliland waa in ay waxkasta sameeyaan siddii khal khal iyo xasilooni darro looga abuuri  lahaa Somaliland. Waa in doorashooyinka sidii aan loo qaban lahayn lagu dadaalo

3.       Waa in Puntland oo wixii ay naga codsadeen aanu ka oglaanay ay sii xoojiso murankeedii iyo shegashadii Sool, Cayn iyo Sanaag.

4.       Waan in ay dhacaan laba iska horimaad oo kala ah:

a.       Puntland iyo Somaliland

b.      Somaliland oo dagaal sokeeye laga dhex bilaabo

Markaa intaasi inoo hirgasho waxaa fududaanaysa in aanu caalamka ka dhaadhicino in la dhexgalo xaaladda cusub ee Somaliland la soo deristay ciidamada AMISOM, oo lagu dhex qarinaayo xoogga dalka Somalia iyo kan Puntland, ay soo galaan Somaliland.  Halkaas ayuu marayaa qorshaha Xamar iyo Dam Al-Jadiid ee Somaliland.

Dahir Riyaale maamul xumo ayeynu ku ridnay, hadaba maanta xukuumadda jirta, oo tii Riyaale bara dhaafisay (big time) haddii maamul xumo lagu ridi waayoo hala ogaado Daahir Riyaale maarka waxa cadaanaysa in qabyaalad lagu riday.

Ciidankan loo yaqaano OPU xukuumadda hawlo badan ayuu u fulin doonaa.

1.       Waxaa lagu xasuuqayaa cid kasta oo su’aal ka keenta arrimaha shidaalka.  Wasiirku dad ay isku dhow yihiin wuxuu ugu bushaareeyey marka ciidanka la sameeyo in aan cidna loo joojinayn.

2.       Haddii doorasho dici weydo ciddii is hor taagta in loo adeegsado oo loo isticmaalo INQILAAB qarsoon.

3.       Haddii dorasho dhacdana in caga juglayn iyo doorasho xadid loo isticmaalo.

4.       Boqolaalka baabuurta (Toyota) ah ee la soo dejiyeyna waa kuwii haddii doorasho dacdo sida doorashada loo xadayo loo adeegsan laha ee dadka loogu soo guri laha si hadba meel ay uga codayn lahaayeey

Iminka qorshaha xukuumadda waxa ku jira in dadka Koonfurta Somalia ka soo jeeda ee Somaliland degan iyo  Oromadaba dalka joogta la diiwaan geliyo si ay Kulmiye ugu codeeyaan.

Hadaba manta ninkii raba in uu Somaliland badbaadiyoow ka kac meesha oo howl gal.

Waxa kale oo aan qurba jooga reer Somaliland u sheegaya in Sharciyada wadamada ku jira ururka Midowga Yurub iyo wadanka maraykankaba ay qorayaan wixii muwaaadiniintooda ah ee denbi ka gala wadamo ay shaqo u joogaan in maxkamad la hor keeni karo.  Hadaba waxaan ka codsanayaa  muwaadiniinta wadanka gudihiisa joogta in ciidamada RRU-da iyo OPU-duba wixii fal xad gudub ah ee xuquuqda aadamiga ka baxsan ee ay ku kacaan in la diiwaan geliyo si inta qareen loo qabto dacwad lagu furu wixii wasiiro ah eek a danbeeya ee sita dhalasho wadamada aan soo sheegay.  Maanta waynu ognahay inta qof ee ku baxday gacanta RRU-da, OPU-dana waxaa loogu tala galay in beelo dhan lagu xasuuqo.  Waxaynu u baahan nahay in aynu qorro Ciidan kasta (RRU, SPU, OPU) wixii xad gudub iyo dhibaato ay gaystaan iyo wasiirka ka danbeeya.  Wixii taswiir ah ama video ah ee laga duubi karano ha la kaydiyo oo ha loo hayo maalinta maxkamadda.

Arrinta Somaliland manta daawasho iyo iska indha tir way dhaaftay.  Xukuumaddu halkii ay wada hadal iyo la xaajood la yeellan lahay dadkeeda ayey go’aan ku gaadhay in ay ciidan lagu xasuuqo samaysatay.

Astaamaha Dimuqraadiyada waxa lagu gaartaa marka xukuumaddu ka baqdo muwaadiniinta.  Ayaan darro se maanta Somaliland muwaadiniintii ayaa wadnaha farta ku hayya oo saqda dhexe ayaa RRU loo soo dirayaa kii juuq yidhaahda.

Arrimaha aan ka codsanayo muwaadiniinta reer Somaliland gude iyo dibed ba waa sidatan:

1.       In la diiwaan geliyo qoral, taswiir iyo video-ba wixii denbi ah ee RRU-du ku kacdo.

2.       In la diiwaan geliyo qoral, taswiir iyo video-ba wixii denbi ah ee OPU-du ku kacdo.

3.       In degaannada shidaalka laga baadhayo wixii xad gudub ah ee dadka, xoolahooda iyo dhulkaba lagula kaco iyana la diiwaan geliyo

4.       In wasiirada denbiyaadda gala iyo wadamada ay jinsiyadda ka haystaanna la diiwaan geliyo

5.       In lala socdo 120 Baabuur ee loo soo iibiyey OPU halka la kala geeynayo iyo sida loo isticmaalayoba.  Imisa ayaa qoryo culus (Heavy machine guns) lagu rakibay.

6.       Beelaha ciidamada OPU u badan yihiin.

7.       Magacyada saraakiisha hogaaminaysa ciidanka OPU-da.

Wixii xidhiid ah waxaad ku soo hagaajinaysaan email-kan:

somalilandunityandfreedomgroup@gmail.com

Muwaadinkii doonaya in uu ka mid noqdo Free Somaliland Unity and Freedom Group email ha u soo diro somalilandunityandfreedomgroup@gmail.com

Hana soo raaciyo:

1.       Magaciisa oo sadexan.

2.       Emailkaaga

3.       Telifoon lagaagala soo xidhiidho.

4.       Meesha uu aduunka kaga noolyahay.

Maxamed Axmed Saxar

Atlanta, GA

Mohamed Jama <majsaxar@outlook.com

COMMENTS
LINKS