|
|||||
WAJAALE NEWS
Qiiro Xanuun Iyo Dulmibaa Hadhsada Mujaahidkii SNM Ciil ,Cadho ,Ciilkaambi, Qoomamo , Xusuus Daran,Diif Iyo Daranyo, Intaasaa Wehelkayga Ah.
October 16, 2014 - Written by Wariye:1=Dhamaan waxaan halkan uga dirayaa salaan gaar ah oo meel aad u xanuun badan aan ka dareemayo mujaahidinta dhabta ahayd ee SNM. 2=Waxaan qalinka u qaatay oo aan is waydiiyey marar badan waa kuma Mujaahidka dhabta ah ee SNM xaguuse jiraa amase joogaa haatan? Maalintu waa 17 bishii OCT malinta shuhadada SNM anigoo ka duulaya isla maalintan waxaan halkan ku soo bandhigayaa , xaqiiqada dhabta ah ee mujahidiinti SNM ,iyo qaabka ay u noolyihiin hadda . Waxaaynu maqalnaa hadaan nahay buslshada Somaliland maal maha shuhadada SNM , waxaynu ognahay oo aynaan marna iska indha tirikarin taarikhduna ay dhigaysaa in maalmihi qadhaadha ee ,Taliskii siyaad bare, ay ka dhiidhiyeen dulmanayaasha manta dalkoodi iyo shacbigoodu mindna aan hiil ka helin , waxaan marnaba la hilmaami Karin dhiiga iyo dhuuxa ay dalkoodi u shubeen ee qaarna ay halgankii qadhaadha ku shihideen, qaarna manta ay gidaarada magaloyinka Somaliland ay gaajada , darxumada iyo caafimaad darada ugu dhimanayaan , ee aan cidna is waydiinayn , waxay dhaxal u heleen inay dalkoodi iyo shacbigoodi ay u soo dagaalameen ay hiil ka waayaan , waxay dhaxleen mid ka qadhaadh durufihii ay soo mareen waqtigii ay halganka adag ku jireen , waxay dhaxleen oo mar marka qaar hadaad la sheekaysato ,ay kuu shegayaan inay u roonayd suntii baaruddi iyo rasaasti ay ku so noolaayen modayinka dheeraa , waxa manta intooda badan ku dhacay xanuunada kala duwan ee cunaha ku dhaca taaso markii dib loo eegay noqotay suntii rasaasta.
Dhadhamin hadalkan qiirada iyo murugada xambaarsan Waydiin iyo Warcelin aan la yeeshay mujaahidiinta iyo waxii iiga soo baxay 1= waxaan la sheekaysay qaar badan iyadoo aan muddo ku mashquulsanaa inaan helo xog dhab ah oo ku wajahan xaladda dhabta ah ee nololeed ee Mujahidkii dhabta ahaa ee SNM uu ku sugan yahay .2= waxaan booqday gobo badan oo ay ku noolyihiin qayba ka mida intii ka noolayd Mujahidiinti SNM , anigoo waydiiyey su,aalo kala duwan si an u helo xogta dhab ta ah, waxay ii sheegen qaarbadan oo ka mid ahi markii aan waydiiyey waxay ka helaan ama ka soo gaadha Jimciyadda Mujahidiinta waa qolada la baxday SOYAL inaay wax ka soo gadhaan haba yaraate anay jirin . 3= waxaan waydiiyey oo ka mid ahaa su,aalahaygii in ay wax (documentary) ay ku leeyihiin dhinica xukumadda manta jirta taaso ah mid ay ku badan yihiin rag sheegta magacan Mujaahid kuwaaso iyagu magac ku helay miskiinka baaruudu ay ku reebtay xanuunada kala duwan , ee la,il daran duruufta cafimaad iyo nololeedba waxay ii shegen in aanay kulahayn wax (documentary ) ah . 4= Markii aan sameeyey baadhis dheer oo la xidhiidha in ay ka waryahaan sarakiishi ama hogamiyayaashi SNM mujaahidiintan daranyaysan ama ninkii dablaha ahaa ee halkanka dhabta ah ku jiray, waxaan ogaaday oo shacabkuna ka war hayaan inaanay haba yaraate xitaa koob biyaa ka waraabin . 5= waxaan iswaydiiyey wa maxay hadafka qarsoon ee ay lahaayen hogamiyayaashi SNM taaso aan ku fekeray inaan book ka qoro insha allah kaaso qadan doona waqti. 6= Meeye hogamiyayaashi SNM ee shalay ay kuwan daranyadu hayso ay meesha kuwada noolayen ? 7= wa maxay farqiga u dhexeeya manta hogaamiyayashi SNM iyo ninkii dablaha ahaa ee hortiisa qoriga la taagna ee isaga difaacayey ?? 8= Isku si ma u wada noolyihiin manta hogamiyayaashi iyo dablihii SNM ? jawaabto wa maya 9= Maye shacbigii gumaystu haystay ee cidamadii faqashtu ay hantidoodi iyo dumarkoodi iyo naftoodi intaba ka hantiyey ee ay u damqadeen kuwa manta gidaarada ku daran yeysani ?? 10= Mee shaqsigii ay hal ku dhegga u noqotay silaanyo dhalay ee ay ku naalonayeen rajo odhanaysa hadii uu dalka madaxwayne ka noqdo in ay Mujahidiinti nolol heli doona ?? 11= Marna dood ma kaga hadlaan Golayaasha qaranku shuhadadii SNM waa Barlaaanka iyo Gurtidee ?? 12= Xusbiyada mucardka ah ee ku mashquulsan inay dalka mustaqbalka hogaamiyaan qorshe ma uga yaalla Mujaahidka dhabta ah ee daranyeyesan ?? 13= Bulshada Somaliland maxay oga hurdaan duruufta ku xeeran mujahidka dhabta ah ee duruufta nololeed ku haysato dalkii uu dhiiga u shubay ?? 14 = Maal qabeenka somaliland ee manta ku raxaysanaaya wadankii uu ninka gidaarka ku gaajonayaa dhiigisa u shubay muxuu ugu tala galay walaal kisa duruufaysan ? 15= Meeday dhalin yaradii ka dhiidhiyi lahayd duruufta mujaahidka ee magiciisa rag ku heleen Gadhiga cad iyo Guriga cad iyo magaca Hebel mujaahid beena ?
Guntii iyo gebegebadii waxba yaan ciilku ila taraarin waxaan hadalka ku soo afmeeray Bolshooy Mujahidka dhabta ah iyo ka bugta ah kala ogadaa Cidma uma maqna ceella uma qodna
Eng Khadar maxamed da,ud Email : laalays123@gmail.com Tell: 0634487960 COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|