Qaramada Midoobay Oo Sheegtay In Hubka Dawladda Somalia Suuqyada Lagaga Iibiyo Alshabaab | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Qaramada Midoobay Oo Sheegtay In Hubka Dawladda Somalia Suuqyada Lagaga Iibiyo Alshabaab
October 11, 2014 - Written by Editor:

Muqdisho(Wajaalenews)-Warbixn sanadle ah oo ka koban 482 Bog oo ay soo saartay Guddida Qaramada midoobay u qaabilsan cuna-qabataynta Hubka Somalia iyo Eretria, ayaa lagu sheegay in Hubka Dawladda Somalia lagu Iibiyo Suuqyada islamarkaana ay Al-shabaab Iibsato.

Warbixintan oo ay Daabacday Wakaalada Wararka Reuters, waxaa baadhis ku sameeyay 8 Xubnood oo ka tirsan Guddida Monitoring group, waxayna ku sheegeen inaanay Somalia sifo sharci ah u marin soo iibsashada hubka.

“Dowladda Federaalka Somalia hubka uma keensato si waafaqsan waajibka ay tahay in la raaco, iyadoo taasi ay xadgudub ku tahay cuno-qabteynta hubka ee ay kusoo rogtay Qaramada Midoobay,” ayaa lagu yidhi warbixinta

Guddidu waxay warbixintooda ku sheegtay in Sawiro la qaaday muujinayaan Hubka Dawladda oo la Iibinayo “Sawirro lasoo qaaday ayaa muujinaya in qoryaha daran-doorriga u dhaca ee noocoodu yahay 56-2 lagu arkay laba suuq oo ku yaalla Muqdisho intii u dhexeysay bilihii February iyo April ee sannadkan 2014-ka, kuwaasoo ay ka muuqatay calaamadaha bakhaarada hubka lagu kaydiyo ee Xalane,”

Warbixinta ayaa lagu sheegay in Saraakiisha Ciidanku Iibiyaan hubka, iyagoo marka hore ku qaaday inay Ciidanka u qaybinayaan “Waxaan xaqiijinnay in hubka ay iibiyaan saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya oo u soo qaaday inay unugyadooda u qabiyaan iyagoo aan ku soo saarin qoraallo caddeyn ah oo kasoo baxay dowladda,”

Warbixintu waxay intaasi ku dartay in Film dhoolatus ah oo Al-shabaab baahisay lagu arkay Qoryaha Dawladdu ka iibisay “Ganacsatada hubka ayaa sheegay in mid ka mid ah suuqyada hubka ee ku yaalla Muqdisho ay hubka ka iibisadaan wakiillo ka socda Al-shabaab,”

Xubnaha golaha ammaanka ee 15-ka ah ayaa bishii March ee sannadkii hore 2013-ka waxay fududeeyeen cuno-qabteynta hubka ee saaran Somalia, iyagoo u ogolaaday dowladda Soomaaliya inay hub soo iibsan karto illaa bishan Oktoobar ee sannadkan 2014-ka.

COMMENTS
LINKS