Qaarkamida Xildhibaanada Golaha Deegaanka Laascaanood Oo xabsiga loo Taxaabay. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Qaarkamida Xildhibaanada Golaha Deegaanka Laascaanood Oo xabsiga loo Taxaabay.
October 20, 2014 - Written by Editor:

Laascanood(Wajaalenews)Laba Xildhibaan oo la kala yidhaahdo Xildhibaan sakariye Aadan muuse iyo Xildhibaan Xamse Cabdi hirad. oo Ka tirsan golaha deegaanka laascaanood ayaa saaka xabsiga loo taxaabay

kadib markii saaka buuq la dhacay xarunta golaha deegaankaasi oo uu maayarku xidhay. Mudanayaasha golaha deegaanka laascaanood ayaa Maayarka ku eedeeyey in aanu ogolayn in ay la xisaabtamaan, waxaanay sheegeen in uu saaka la balamay in uu fadhi u qabto, hase yeeshee uu hargeysa iska tagey. Wasiirka nabadaynta goboladda barri cali sandulle oo ku sugan laascaanood ayaa la sheegay in uu amray xadhiga xildhibaanada kadib markii ay damceen in ay furtaan xarunta golaha deegaanka, iyagoo doonayey in ay sameeyaan mooshin xil la qaadis ah

COMMENTS
LINKS