Obama Oo Ka Hadlay Doorka Maraykanka Ee Ebola. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Obama Oo Ka Hadlay Doorka Maraykanka Ee Ebola.
October 30, 2014 - Written by Wariye:

Madaxweyne Obama ayaa ammaan u jeediyay hawlwadeenada caafimaadka iyo dadka sida iskooda ah uga qayb qaadanaya la dagaalanka cudurka Ebolaha ee waddamada Galbeedka afrika ee u dhashay dalkiisa.

Kal hore oo maanta ah, hay’adda caafimaadka adduunka ee Qaramada Midoobey ee W.H.O ayaa sheegtay in faafidda cudurka Ebola ee dalka Liberia uu haatan gaabis yahay.

Madaxweyne Obama oo ka hadlayay aqalka Cad ee mareykanka looga arrimiyo ayaa sheegay in uu rumeysan yahay in arrintani ay sabab u tahay doorka hawlwadeenada caafimaad ee mareykanka ay ka qaadanayaan la dagaalanka cudurkaasi.

Madaxweyne Obama waxa uu sidoo kale sheegay in uu rumeysan yahay in gebi ahaanba faafidda cudurkani Ebola la joojin doono. Madaxweyne Obama waxa uu yiri ‘Waxaa magaalada Monrivia ee dalka Liberia sii laba jibaarmaya qaababka wanaagsan ee loo aaso meydadka’ .

 

Hargaysa Office

Wajaalenews.net

Email:habane00@gmail.com

Wariye:Abdiqadir Abdirahman Habane

COMMENTS
LINKS