Nuxurka Khudbada Madaxweynaha Ethiopia Ka Jeediyay Labada Gole Baarlamaan Ee Dalkaasi | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Nuxurka Khudbada Madaxweynaha Ethiopia Ka Jeediyay Labada Gole Baarlamaan Ee Dalkaasi
October 12, 2014 - Written by Editor:

HARGEISA(Wajaalenews);Waxa aan halkan akhristayaasha kula wadaageyna qodobadii ugu muhiimsana ee qudbadii madaxweynaha Itoobiya, Mulatu Teshome, oo ka jeediyey labada aqal ee baarlmaanka todobaadkan horaantiisi. Madaxweynaha oo hadalkiisa laga daawaday TV-ga qaranka ayaa ku hadlayey magaca dawlada uu ra’isulwasaaraha ka yahay Hailemaraim Desalegn.

DHAQAALAHA – Madaxweynaha ayaa aad u amaanay koritaanka dhaqaalaha dalkiisa oo ku sheegay 10.1% isaga oo sheegay in horumarka laga sameeyey dhanka dhismaha, warshadaha iyo guud ahaan dhaqaalaha dalku ay joogta ka dhigeen koritaanka dhaqaalaha wadanka

Waxaa uu si gaar ah u tilmaamay in waaxda warshadaha dalku ay ku socoto xawli aad u dheerayanaya iyada oo taasi gaadhsin doonto ilaa $5 bilyan waxyaabaha u dalku dibada u dhoofiyo.

Mulatu ayaa walaac ka muujiyey sici-bararka oo khatar ku ah nolosha dadka danyarta ah ee dalka iyo shaqaalaha dawlada. Waxa uu xusay in ay dawladu xakamayn doonto qiimo-bararka inkstoo oo uuna carabka ku dhufan talaabooyinka la qaadi doono.

Waxaa uu amaanay dakhliga laga helo Ethiopian Airlines, xawaaladaha iyo dalxiiska dalka oo dhaqaalaha wax weyn ku kordhiyey.

DHISMAHA BIYO-XIDHEENADA – Madaxweynaha ayaa sheegay in la wadi doono dhismayaasha biyo-xidheenada si kor loogu qaado quwada korontada ee dalku adeegsado. Waxaa uu si gaar ah u sheegay dhismaha biy-xidheenka weyn ee laga wado wabiga Nile isaga oo sheegay in hawshiisii la ebyey 40%. Waxaa kale oo uu sheegay dhismaha biyo-xidheen kale oo lagu magaacabo Genale Dawa.

Teshome ayaa muujiyey sida uu uga xun yahay quwada korontada(leydhka) oo marmar go’ada iyada oo qayba kamid ah dalku ay mugdi noqdaan. Madaxweynaha ayaa ciladdan dusha ka saaray waaxda korontada dalka oo ku tilmaamay in ay haysato karti-xumi la xidhiidha dhanka maamulka. Waxaa uu sheegay in uu jiro cadaadis waaxda ka haysta baahida koronto ee dalka oo aad u sii kordheysa.

Wakaalada xooga korontada dawlada ayaa aad loogu eedeeya awood-dari iyada oo dadweynaha iyo shirkadaha gaarka ahi aad uga xun yihiin korontada dalka oo noqotay mid aan la isku halayn karin.

JABHADAHA DALKA – Qodobada kale ee madaxweynuhu diirada saaray waxaa kamid ahaa amaanka wadanka isaga oo si gaar ah u xusay 3 jabhadood oo uu ugu yeedhay argagagixiso. Masuulkan ayaa sheegay in ururada ONLF, OLF iyo Ginbot 7 isku dayeen falal argagixiso ah.

Isaga oo arrinta ka sii hadlaya madaxweynuhu ayuu yidhi,” Dadweynaha Itoobiya iyo xukuumadu waa in ay muujiyaan dulqaad dhanka diimaha ah, balse la fiijignaado islamarkaana laga hortago falalka argagixiso ee ONLF, OLF iyo Ginbot 7 oo uu ku tilmaamay in ay huwanyihiin shaadh aragagixisnimo.

 

Ururka ONLF ayaa dagaalo hubaysan ka wada qaybo kamid ah DDSI, inkastoo awooda ciidameed la wiiqay tan iyo intii xukuumada Ismaaulku samysatay ciidamada gaarka ah ee Liyu Booliska, haddan hadalka madaxweynaha ayaa muujinaya in ay wali jirto khatarta ONLF.

Madaxweyanaha ayaa dhanka kale digniin xoog leh u diray xukuumada Eritrea isaga oo sheegay in dalkiisu talaabo ku haboon ka qaadi doono Shacbiya iyo daandaansigeeda.

Hadalkan ayaa ku soo beegmay xilli kooxaha mucaardka ah iyo taageerayaashoodu isu diyaarinayaan ololle xog leh oo ay kaga soo horjeedaan xukuumada iyo doorashooyinka sanadka soo socda. Kooxahan ayaa qorshaynaya in ay abaabulaan qurbajoogta ku dhaqan wadamada Galbeedka si dawlada Itoobiya loogu cadaadeyo furfurnaan iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha.

WARBAAHINTA – Madaxweynaha ayaa ku maamanay warbaahinta dalka kaailnta ay ka qaadato wax uu ugu yeedhay ka hortaga argagixisada, khalkhalinta dadweynaha iyo baraarujinta shacabka. Waxaa uu warbaahinta dalka ugu baaqay in ay kordhiyaan dadaalkooda islamarakaana abuuraan ilo kala duwan oo dadweynaha ka haqabtira wararka.

Masuulkan ayaa ka gaabsaday in uu ka hadlo dhaleecaynta xooga leh ee loo jeediyo go’aamada dawladu ku xakamayso saxaafada xorta ah iyo xadhiga suxufiyiinta.

Madaxweynaha ayaa khudbadiisa ku soo gunaanaday DOORASHADAsanadka soo socota isaga oo ugu baaqay ururada kala duwan, dadweynaha iyo warbaahinta dalka in ay ka qayb qaatan sidii looga yeeli lahaa doorashada mid si xor iyo cadaalad ah u dhacada

COMMENTS
LINKS