Nuxurka Dardaaran iyo Duco madaxweyne Siilaanyo U Jeediyey Bulshada Somaliland. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Nuxurka Dardaaran iyo Duco madaxweyne Siilaanyo U Jeediyey Bulshada Somaliland.
October 4, 2014 - Written by Wariye:

siraanyoHargeysa(Wajaalenews):-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa bulshada Somaliland kula dardaarmay midnimada iyo wadajirka dal iyo dad ahaaneed. Madaxweynaha oo saaka Bulshada kala hadlayay Masjid Jaamaca Hargeysa oo Uu Bulshada kula tukaday Salaadda Ciida ayaa Alle uga baryay in Bulshada Somaliland hesho niyad samaan iyo caafimaad qab.

Madaxweynaha oo Bulshada Islaamka ah iyo Umadda Somaliland ku bogaadinaya Ciidal Adxa waxa uu yidhi “Munaasibada Ciidal Adxa,waxaan dhamaan umadda Islaamka ah iyo Umadda Somaliland meelay joogtaba leeyahay Ciid mubaarag Ciid Wanaagsan.Waxaan Illaahay ka baryayaa inuu Sanadkan sanadkiisa inagu gaadhsiiyo bash-bash iyo barwaaqo.” Ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo

Waxa kale oo uu Madaxweynuhu haddalo dardaaran iyo Duco ah u jeediyay Umadda Somaliland “Waxaan Illaahay uga baryayaa Umadda reer Somaliland inuu Niyaddooda isku soo jeediyo.Illaahay waxaan ka baryaynaa inuu Caafimaad,wanaag iyo wadajir ina siiyo,Waxaan rajaynayaa oo aan ku dedaalayaa oo aynu ku ballamaynaa inaynu wada shaqayno oo meel uga soo wada jeedsano nabadgalyada dadkeena iyo dalkeena,wadajirkeena iyo midnimadeena, Alle ha inaga aqbalo.

Madaxweynaha Somaliland oo ay weheliyaan Xubno Golihiisa wasiirada ka mid ah iyo masuuliyiin kale ayaa Masjid Jaamaca Hargeysa kula tukay boqolaal dadweynaha Reer Hargeysa ka mid ah.

Hargaysa Office
Wajaalenews.net
Email:habane00@gmail.com
Wariye:Abdiqadir Abdirahman Habane

COMMENTS
LINKS