Mujaahid Dhagaweyne oo ka Badbaaday Rasaas ay Doonayeen in ay RRU-du ku Rido;.DAAWO SAWIRADDAN, | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Mujaahid Dhagaweyne oo ka Badbaaday Rasaas ay Doonayeen in ay RRU-du ku Rido;.DAAWO SAWIRADDAN,
October 16, 2014 - Written by Editor:

HARGEISA(Wajaalenews);Mujaahid Ibraahin Cabdilaahi Xusseen (Dhagaweyne) oo doonayey in uu Galo Hotel Hiddo Dhawr oo Saaka ay la wareegen Ciidanka RRU-du ayaa Waxa Xabad Nool ku Qabtay Ciidankaasi RRU-da Waxanu ku sigtay in ay ku Ridaan Rasaastaasi, Dhagaweyne oo ka cadheysan Xadhiga Huteelka Sahra Halgan ee Ciidanku xidheen ayaa Diiday Amarka Ciidanka ee in aanu galin Huteelka oo dadka saaka Laga mamnuucay, Askartii Goobta joogay ayaa Mar kali ah ku qabtay Xabad Nool kuwaasi oo mar qudha wadda Cabeystay Qoriyihii ay Siteen, Mujaahid dhagaweyne ayaa waxa uu sheegay in xor u yahay in uu huteelka gallo oo aanu cidna uga amarqaadanayn.

 

MUUQAALADA AYAA AH XILI MUJ DHAGAWAYNE IYO MAXAMED XAASHI AY CIIDAMADA RRU AY KU HAYEEN QORI AFKII UNA DIIDEEN IN GALAAN XARUNTA HIDO DHOWR OO LOOGU TALO GALAY IN LAGU QABTO XUSKA SHUHADADA SNM

MUJ DHAGAWAYNE 2

 

MUJ DHAGAWAYNE 1

 

Dad Goobjoogayaal ah oo Wajaale la soo xidhiidhay ayaa  sheegay in Askartu ay ku dhawaaqayeen Hadalo ay ka mid yihiin Mujaahid Dhagaweyne Huteelka waa la xidhay ee naga joog Hana Dhagarayne Amarbaanu qabnaa oo cidii isku dayda in ay Huteelka Gasho Xabad ayaa u qoran, Dhagaweyne ayaa Dhag Jalaq u siin isaga aad uga cadheysan Xuska SNM ee Xukumadu Sillaanyo ay u diiday in la Xuso, Balse Mujaahidiin baddan oo Dhagaweyne la socday ayaa waxay dhagaweyne ku Qanciyeen in aanu Huteelka galin si aanay Rasaasta ay Ciidanku sitaan u dhufan.

Falkan ay Ciidamada RRU-du Kula kaceen ayaan ku koobanayn Mujaahid dhagaweyne Basle Dhammaan dadkii goobtaasi tagay ayaa Ciidanku ugu hanjabayeen in ay madax ka toogan doonan haadii ay meesha ka tagiwaayan.

WAJAALENEWS DESK

COMMENTS
LINKS