Meydka Talihii Hore Boliska Somalia Oo Nairobi Loo Duuliyey iyo Sababta Loo Aanaynayo | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Meydka Talihii Hore Boliska Somalia Oo Nairobi Loo Duuliyey iyo Sababta Loo Aanaynayo
October 31, 2014 - Written by Editor:

Muqdisho(Wajaalenews)-Waxa Goor Dhaweyd Garoonka Caalamig ah ee Aadan cadde laga dhoofiyey Meydka Alle ha u naxariistee Taliyihii Hore ee Ciidanka Boliska Somalia oo shalay si kedis ah u geeriyooday.

Meydka Taliyaha ayaa looo dhoofiyey dhinaca Magaalada Nairobi, waxana la doonayaa ina lagu sameeyo baadhitaano la xidhiidha sababta dhimashadiisa keentay.

Saraakiil ka tirsan Booliska Soomaaliyeed ayaa raacday diyaarada lagu qaaday Meydka Marxuunka sida ay saxaafadda u xaqiijiyeen mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka ayaa si buuxda u sheegay in sababata meydka loogu qaaday dalka Kenya ay tahay in Baadhitaano lagu sameynayo si loo ogaado waxyaabaha uu sababsaday ama uu dhintay Taliyaha.

Dhanka kale warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Taliyihii Ciidamada Booliska Soomaaliyeed la siiyay Sun, kadibna uu u geeriyiiday, waana taas mida Sababtay in meydkiisa la qaado, hase yeeshee ma jiro wax xaqiijinaaya arrintaasi.

Taliyaha ayaa shalay galabtii si kedis ah ugu dhex dhacay Maqaaxi uu shaah Ka Cabayey, waxana uu isla-markiiba ku geeriyooday Cisbitaalkii Xanuunkiisa loo geeyey.

 

Wariye cabdisamed xalane

NAIROBI OFFICE

WAJAALENEWS DESK

 

 

COMMENTS
LINKS