Maxkamadda Ciidamadda Qaranka Somaliland oo Bilowday dhagaysiga afar Askari oo loo qabtay Dilka labadii Sarkaal ee Qorulugud. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maxkamadda Ciidamadda Qaranka Somaliland oo Bilowday dhagaysiga afar Askari oo loo qabtay Dilka labadii Sarkaal ee Qorulugud.
October 13, 2014 - Written by Editor:

Hargeysa(Wajaalenews) Maxkamadda Ciidamada Qaranka Somaliland ayaa shalay bilowday dhagaysiga Dacwada Afar Askari, kuwaas oo ay xukuumadda Somaliland u qabatay Dilkii labadii Sarkaal ee xero ku taala Deegaanka Qorulugud.

Afarta Askari ee la maxkamaddaynayo ayey Xukuumaddu soo xidhay kadib markii uu baxsaday Askari lagu Eedaynayo in uu Dilka saraakiishaasi fuliyey, waxaanay isla maalintii la qabtayba loo soo dhaadhiciyey Hargeysa.

Askartan ayaa lagu Eedaynayaa danbiyo kala duwan hase yeeshee waxa shalay markii ugu horaysay la dhagaystay Eedaha loo haysto oo ay Xeer ilaalinta Ciidamaddu soo oogtay.

Gaashaanle Sare Yuusuf Faarax Sharmaarke oo ah Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamadda Somaliland darajadeeda koowaad oo Waaheen wax ka   weydiisay Dacwadan ayaa ku gaabsaday inay bilaabeen dhagaysigeeda, balse aanay ka hor dhacayn natiijadeeda.

Xukuumadda Somaliland wax tafaasiil ah kamay bixin askarta la maxkamadaynayo iyo kiisaska loo haysto maadaama uu baxsaday Askarigii falka geystay, hase yeeshee wararka qaarkood ayaa sheegaya inay ku Eedaysan yihiin inay ku gacan siiyeen ama ay qaban waayeen Askariga falka geystay.

Askarigii Dilka geystay ayaa la filayaa inay Maxkamaddu isagoo maqan Xukun ka soo saarto, maadaama

ay guda gashay Kiiska uu fuliyey.

Maxkamadda Ciidamadda ayaa dhawaan xukun Dil ah ku riday Askari ka tirsanaa ciidanka Booliiska kaasoo Dilay Taliyihii saldhiga Arabsiyo ee Gobolka Gabilay.

Si kasta ha ahaatee, Dacwadan u danbaysay ee Maxkamadda Ciidanku bilowday ayaa shalay laga dareemayey culayskeeda Xarunta Maxkamadda, waxaana la adkeeyey amaankeeda.

COMMENTS
LINKS