|
|||||
WAJAALE NEWS
Marwada Madaxweyne Siilanyo Oo U tafa Xaydatay Kala Qeybinta Beesha Reer Saaxil
October 26, 2014 - Written by Editor:Hargeysa(Wajaalenews)-Marwada Madaxweyne Siilanyo Amina Sheekh Maxamed Jirde ayaa bilawday kala qoqobka iyo kala qeybinta beesha deegaanka Gobolka Saaxil iyada oo afada Madaxweyne Siilanyo kala qeybinta beesha deegaanka Gobolka Saaxil ee ay dhalasho ahaan kasoo jeedo ka dayaysa inay taageero ugu raadiso Xukumada fashilantay ee uu sida tabcaanka ah uhogaaminayo Odaygeeda talaxa gabay ee taladii dalka ay maamulkeeda kala wareegeen kooxda habka qabiiliga ah ku dhisan ee beesha Madaxweynaha kasoo jeeda oo sida laga wada warqabo dalkii fawdo galiyay kala fogayna dhex dhigay shacabkii walaalaha ahaa ee nabada ku wada noolaa qaranimada ilaalinteedana meesha uga soo wada jeeday.waxana muuqata in dalka lagu maamulayo axdigii kasoo baxay shirkii beelaaha Habar Jeclo ee Gar Adag ku qabsoomay waana ta keentay in kalsoonidii shacabka reer Somaliland ay kala noqdaan Xukumada Siilanyo iyo Xisbigeeda Kulmiye. Kala Qeybinta ay Marwada Madaxweyne Siilanyo utafaxaydatay ayaa la sheegayaa inay la fulinayaan Masuuliyiin katirsan Xukumada dhexe oo kasoo jeeda deegaanka Gobolka Saaxil gaar ahaan deegaamada galbeedka Gobolka Saaxil iyo qaar kamida Sulaadiinta Iyo Cuqaasha deegaamada Galbeedka Gobolka Saaxil waxaana kamida ah nimanka hawshaa kala qeybinta beesha Ciise Muuse fulinaya ninka shaqada been beenta ah loo abuuray ee Layidhaa Cabdirisaaq Ciyaale oo ku magacaaban Gudoomiyaha gudiga kala reebida ururada Siyaasada,Maareyaha Dekeda Berbera Eng. Cali Xoorxoor, wasiir Kuxigeenka Amniga ee Wasaarada Arimha Gudaha Cali gadheer, Ninka Tuugnimada iyo khiyaamada ku caanka baxay ee dhawaan haamaha loo magacaabay Saleeban Siciid Cali. intaasi waa Masuuliyiinta Xukumada dhexe ee falkan naaqusnimada iyo daciifnimadu kujirto raga fulinaya. Dhinaca Salaadiinta iyo cuqaasha waxa kamid ah Suldaan Maxamud Axmed Sheekh oo dhawaan marwadu ugu deeqday gaadhi Landcrusser V8 ah oo qiimihiisu dhan yahay(50,000$)konton kun oo dollar, dhinaca cuqaasha waxa hogaaminaya Jiif Axmed Caaqil Yare xubno kaloo cuqaasha kasoo jeeda deegamaada galbeedka Gobolka Saaxil oo Amina Waris ay ku beerlaxawsatay isku hayb hoose ayaynu nahay, inkastoo warku aanu sheegin ay sitoosa u aqbaleen Suldaan Maxamud Axmed Sheekh iyo Cuqaasha Axmed Caaqil yare hogaaminayaa inay ka yeeleen muusanawga Afada Madaxweyne Siilanyo ay ku kala qeybinayso beelaha walaalaha ah ee reer Saaxil ayaa hadana waxa xusid mudan dhawaan markii Madaxtooyada lagu bixinaayay Inanta uu dhalay Madaxweyne Axmed Siilanyo inay Marwadu soo jeedisay inay inanteeda bixinayaan abtiyaasheed iyada oo marwadu macnaha kaliya ee ay ka laheyd ahaa inay indhaha dadka tusto inay beeshii gobolka Saaxil kala qeybisay waxaanay bixinta inanteeda kusoo casuuntay Jiif Caaqil Axmed Caaqil Yare, Suldaan Maxamud Axmed Sheekh iyo Xaaji Muuse Xirsi Abokor(Muuse Dalab)Kadibna waxa iska gartay jalaafada ay Amina waris udhigtay nimankaas Xaaji Muuse Xirsi Abokor oo madashii ka sheegay inuu yahay Xisbiga Ucid taas oo macneheedu ahaa in Beesha reer Saaxil ay mid yihiin. aamina waris
Haddaba Iyada oo falkaasi foosha xumaa uu hore isa garan waayay Suldaan Maxamud Axmed Sheekh maxaa hada laga filayaa inuu Suldaanku kaga jawaabay jaraha utaagan ee Marwada Madaxweyne Siilanyo ku kala qeybinayso beesha Ciise Muuse, waa arki doonee bal Inuu Baabuurka kontonka kuni hogaamiyo Suldaan Maxamud Axmed Sheekh iyo inuu isku duubnida beeshiisa ka shaqeeyo.Caaqilka Axmed Caaqil Yare waa nin iska bukaana oo aan isagu wax badanba kala soco muraadada lagu fushanayo.
Marwada Siilanyo waxa ay baabuurka kontonka kuna u iibisay Suldaan Maxamuud Axmed Sheekh isaga oo Suldaankii Guud ee Ciise Muuse Suldaan Cismaan cali Kooshin dalka jooga balse aanay marwadu dhiniciisaba jaleecin.
Cabdiraxmaan Axmed Muuse Free Journalist Hargeysa Nuune45@hotmail.com ””””””””””””””””””””””””””””””””””””””””””””””””””””””””””’Qaraalkani wuxuu u gaar yahay qoraha shabakadu waxay dhiiri galinaysaa isdhaafsiiga fikirada bulshada
Related posts:Mulkiilaha SOMCABLE Maxamed Aw Siciid Wuu U Qalmaa Biladda Maal-gashiga Ganacsiga Xorta Ee Somalil... Musuq-Maasuqa Cisbitaalka BURCO. Wasiirka Caafimaadku Ma Ka Qayb Baa Mise Ma Oga? Qore: Ciise Yaasii... Maxaa Xilka Looga Bedelay Isna Xilkaba Iskaga Casilay Gudoomiyihii Maxkamadda G,Maroodi jeex:Halkee ... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|